GOS oo Qado sharaf soo dhaweyn u sameeyay Wasiir ku xigeenka Isboortiga (SAWIRRO)


Arbaco, April 20, 2011(HOL): (HOL): Guddomiyaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa Qado sharaf soo dhaweyn ah u sameeyay wasiir ku xigeenka wasaaradda Isboortiga Cali Afgooye iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee GOS Duraan Axmed Faarax, waxaana qado sharaftan sidoo kale la iskula soo qaaday xiriirka wada shaqeyneed ee GOS iyo wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee GOS ahna u qeybsanaha xiriirka arrimaha dibadda Duraan Axmed Faarax ayaa ugu horeyn qado sharaftan ka sheegay in GOS waqti badan oo aan nidaam ka jirin dalka ay ka soo shaqeysay , lakiin ay iminka jiritaanka wasaaradda isboortiga ay tahay fursad qaali ah oo GOS ka caawinaysa inay sii labanlaabaan waxqabadkooda.
 
 “Haddii aan si wadajir ah aan u shaqeyno anaga iyo wasaaradda, waxaan hubaa in wax badan lagu guuleysan doono, waxaana rajeynayaa wasiirkeena inuu gacan weyn na siin doono” ayuu yiri Duraan oo raaciyay GOS in ay markii ugu horeysay taariikhda  sameysay qorshe howleed muddo afar sano ah.
 
Guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabaroow [Wiish] ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in ay qabtaan xaflad soo dhaweyn oo noocan ah oo ah mid ay ku soo dhaweynayaan wasiir ku xigeenka cusub ee wasaaradda dhallinyarada iyo Isboortiga oo uu ku sheegay inuu yahay in Isboortiga jacel.
 

 “Mudane wasiir ku xigeen waxaan jeclahay inaan kuu sheego dadka hortaada jooga waa dadkii u horay naftooda inay badbaadiyaan Isboortiga waxayna calansidayaan ahaayeen illaa iyo burburkii dalka 1992” guddoomiyaha oo tixraacaya taariikhdii hore ee RAJO SOO CELINTA ISBOORTI ee burburisay khadkii cagaarnaa mar caasimadda ku maamulayeen qabqablayaashii dagaalka.wuxuuna raaciyay in wadajirka wasaaradda isboortiga iyo GOS ay sameynayso in wax badan aan qaban karno”ayuu yiri Guddoomiyaha inta uusan codbaahiyaha ku wareejin wasiir ku xigeenka Isboortiga Cali Afgooye.

Wasiir ku xigeenka Isboortiga Md. Cali Afgooye ayaa uga mahadceliyay Guddiga Olambikada Soomaaliyeed iyo xubnaha xiriirada  oo dadaalkoodii sugay in Isboortigu sii jiro, wuxuu sheegay in shaqada wasaaradda uu ku cusub yahay balse uu ogyaahy waxa badan ee la qabtay.
 
 “Anigu aad ayaan u nasiib badanahay waayo GOS iyo xiriirada hoos yimaada ayaa wajibaad hore u gutay- Soomaaliya waa meel wax walba eber laga soo bilaabayo ,lakiin Wasaaradda Isboortiga way ka duwan tahay waana sidaas waxaan ku nasiib badanahay” ayuu yiri wasiir ku xigeenku.
 

“Aniga oo ku hadlaya magaca wasiirka, waxaan idin sheegayaa  inaan garab istagayno GOS si aan ugu guuleysano inaan la tartanno dalalka horumaray , waan la socdaa in cid kastoo wax qabaysa laga soo horjeedo, waana in arinkaasi dheg jalaq loo siin” ayuu yiri Md. Cali Afgooye.
 
Kulankan qado sharafta ah ayaa ah kii ugu horeeyay oo noociisa oo ay ka soo qeybgalaan GOS iyo madax sare oo ka socota wasaaradda Isboortiga tan iyo markii bishoo hore isku shaandheyn lagu sameeyay wasaaradaha Xukuumada FKMG  laguna magacaabay Md. Cali Afgooye.





 Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Isboorti.com Managing Editor
[email protected]