Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiga ku yaalla dalka Angola oo ka cabnaya dhibaatooyin kala duwan

Arbaco, Abriil 20, 2011 (HOL) Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku jira xabsi ku yaalla dalka Angola ayaa ka cabanaya dhiaatooyin kala duwan, iyadoo gadood ay xasbiga ka sameeyeen maxaabiista ku xiran oo laba maalmood aan helin wax raashin ah ay sababeen in qaybo ka mid ah xabsiga la gubo.

Dhalliyarada Soomaaliyeed ee ku xigan xabsigan oo la xiriiray mid ka mid ah Radio FM ah oo ka howlgala Muqdisho ayaa sheegay in laba wiil oo Soomaalida xabsiga ku jira ka mid ah ay ciidamada dalka Angola si aad ah u jirdileen kuwaasoo haatan lagu xiray iyaga iyo maxaabiis kasoo jeeda dalka DR-Congo qol hal mitir ah.

"Maxaabiistu waxay sameeyeen rabshado qaybo xabsiga ka mid ah lagu gubnay kaddib markii laba maalmood aan wax raashin ah naloo keenin biyana aan waynay, waxaana markaa kaddib la keenay ciidammo si gaar ah u tababaran oo inta badan dadka aad u jirdilay," ayuu yiri Abuukar Maxamed Axmed oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee xabsigaas ku xiran.

Abuukar, ayaa sheegay in Soomaalida xabsiga ku jirta ay gaarayaan 34-qof oo rag ah kuwaasoo aan haysan wax daryeel ah, mararka qaarkoodna ay ciidamada Angola ula dhaqmaan si bani'aadamnimada ka baxsan.

"Soomaali badan ayaa ku xanuunsan xabsiga mana jirto cid daweynaysa, laba wiil oo aad u xanuunsaday ayaa sannadkan billowgiisii laga bixiyay xabsiga mana garan karno halka la geeyay," ayuu yiri C/casiis oo isaguna ka mid ah Soomaalida xabsiga ku xiran.

C/naasir Maxamed Wacays oo isaguna ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga oo ku yaalla tuulo ku dhow xarunta dalka Angola ee Luwanda ayaa sheegay in xaaladooda ay aad u liidato ayna haystaan dhibaatooyin dhinacyada caafimaadka iyo raashinka ah.

Dhallinyaradan ayaa ka codsaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay gacan ka geysto sidii ay xabsigaas uga saari lahayd, iyagoo sheegay in xabsiga ay ku jiraan muddo hal sano iyo bar ah aadna loo jir-dilo.

Maxaabiis badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xirxiran dalalka Afrika, kuwaasoo intooda badan la qabqabtay iyagoo qaab tahriib ah ku maraya dalalkaas kuna socday dalka Koonfur Afirka oo ay Soomaali badan gacansiyo iyo shaqooyin ka abuurteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya