
Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay kaddib markii uu kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, oo booqasho kaddis ah ku tagay Muqdisho Axaddii shalay, in beesha caalamka ay uga baahan yihiin taageero dheeraad ah.
"Beesha caalamku, waa inay kordhiso taageerada ay siiso Soomaaliya, si ay DKMG ah ugu guuleysato inay dalka ka saarto colaaddaha muddada dheer soo taxnaa," ayuu yiri Sheekh Shariif, oo isaga iyo mas'uuliyiinta kale ee dowladda ay kulan albaabbadu u xiran yihiin la qaatay Museveni.
Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in beesha calaamka aysan taageeradii loo baahnaa ku bixin Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisa ay dadaal ugu jirto sidii ay nabad uga dhalin lahayd dalka, balse ay u baahan tahay taageerada caalamka.
"Xukuumadda tirada yar, waxay caddeyn u tahay sida ay nooga go'an tahay inaan caalamka ku xiranno," ayuu madaxweyne Shariif u sheegay warbaahinta, isagoo xusay in xukuumadda cusub ay horyaallaan howlo badan oo laga doonayo inay ku dhameystirto muddo kooban.
Sheekh Shariif, wax faahfaahin ah oo dheeraad ah kama bixin shirkii albaabadu u xirnaayeen oo ay la yeesheen isaga iyo labada mas'uul ee DKMG ah madaxweynaha Uganda Musaveni, kaasoo socdaalkiisu ahaa mid saxaafadda laga qariyay.
Hadalka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa imaanaya, kaddib markii Museveni, uu sheegay intii uusan ka dhoofin Muqdisho in beesha calaamku ay ka gaabisay inay wax ka qabato colaadaha Soomaaliya.
"Beesha caalamku, wax muuqda kama qaban xalaadaha murugsan ee Soomaaliya, shacabka Uganda, waxay ka kooban yihiin 33-Milyan oo qof, waxaan keeni karnaa Soomaaliya 3-Milyan, balse waxaa la isku haysto waa yaa bixinaya kharashka," ayuu yiri Museveni.
Madaxweynaha Uganda, wuxuu ku canaantay beesha caalamka inay badaha dalka Soomaaliya isaga raaxeysanayaan, iyagoo dhulka ay ka socdaan dagaallo culus oo sababa khasaarooyin nafeed oo fara badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya