Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo ka badbaaday shil baabuur oo halis ahaa (SAWIRRO)

 


Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue),
Hiiraan Online

[email protected]

Darasalaam, Tanzania


Isniin, November 29, 2010(HOL): Ciyaartooyda xulka qaranka K/cagta SOomaaliya ayaa galabta ka bad-baaday shil baabuur oo halis ahaa, kaddib markii markii baskii ay saarnaayeen uu bareeg goostay.
 
Ciyaartoyda ayaa u socday garoonka tababarka Karume ee galbeedka magaaladda Darasalaam, si ay is kugu diyaariyaan kulanka adag ee berri ay la yeelanayaan xulka wadanka Tanzania ee marti galinaya tartanka CECAFA  2010.
 
Nasiib wanaag shilkaas oo sababay in dhinaca hore uu ka bur-buro baskii ciyaartooyda, isla markaana uu rogmado baabuur kii kale ee basku ku dhacay ma jiro wax dhimasho ama dhaawac muuqdo ah oo soo gaaray ciyaartooyda Soomaaliya, hase ahaatee 4 ma mid ah ciyaartooyda SOomaaliya ee ay kala ah Ciise Abshir, Kamaal Cali Nuur, Daahir Maxamed Muqtaar iyo Yaasiin Cali Cigaal ayaa dhaawacyo fudud ka soo gaareen lugaha iyo jilbaha, kaddib markii ay ku dhifsadeen biraha kuraasta baska.
 
Goolhaye Kamaal iyo Daahir Maxamed oo difaaca ka ciyaara oo isbitaalka Agakhan ee magaalada Darasalaam la geeyay ayay Raajadii la saaray kaddib dhaqaatiirtu waxay sheegeen in lafaha aysan waxba ka gaarin, hase ahaatee jugtii ku dhacday ay tahay mid xoogaa cusleyd. Ciyaartooyda ayaa wejigoda  laga dareemayay naxtin iyo wareer iyo xoog leh markii shilku dhacay kaddib.

“Illaahey ayaan uga mahadcelineynaa bad-baada uu na siiyay maanta, aad iyo aad ayay u nasiib badan yihiin ciyaartooyda Soomaaliya, sababtoo ah shila dhacay aadbuu halis u ahaa” ayuu yiri Ciise Dheere oo ah weeraryahanka xulka Somalia.
 
Guddoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee K/cagta Siciid Mugaabe, Xoghaye C/qani Siciid Carab iyo Xiirey Axmed Rooble, Cusmaan Jaamac iyo Yaxye Max'ed Abuukar (Yaxye aayoow) oo ka mid ah xubnaha xiriirka SOomaaliyeed ee K/cagta ayaa ciyaartooyda caawa niyad-dhis u sameeyay ciyaartoyda.
 
Xubnaha Xiriirka K/cagta ee bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA iiyo xiriirka K/cagta ee Tanzania ee TFF ayaa sheegay inay aad uga xumah yihiin shilkaas oo sababi gaaray musiibo qaran.

Tababaraha xulka Soomaaliya Yusuf Adam ayaa ii sheegay inuu go’aan ka gaari doono berri subaxa hore ciyaartooyda uu u xulanayo kulanka berri galab xiddigaha The Ocean Starts ay la yeelan doonaan dhiggooda Tanzania, iyadoo dhaawacda yar yar ay soo gaareen ciyaartooyda Somalia.
 
Dhinaca kale kulamadii galabta la ciyaarayay xulka Uganda ee heysta koobka loo tartamayo ayaa 2-1 ku sagootiyay xulka Ethiopia, halka malawina ay si dirqi ah 3-2 uga badiyay xulka Kenya.
 
Kulamada Berri.
 
Burundi vs Zambia, 2:00PM, live Supper Sport 9
Tanzania vs Somalia 4:00PM live Supper Sport 9