Ururka Xisbul Islaam oo shaaca ka qaaday inaysan joojinayn dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM

Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Ururka Xisbul Islaam, ayaa sheegay inaysan joojinayn dagaallada ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM, iyagoo cambaareeyay booqashadii uu Yoweri Museveni ku tagay Muqdisho.

"Waxaa naga go'an, inaan wadno dagaallada aan kula jirno AMISOM iyo dowladda Soomaaliya inta aan ka guuleysanayno, booqashada Museveni waa mid uu niyadda ugu dhisayo ciidammadiisa, caddeynna u ah inuu ku faraxsan yahay dhibaatooyinka ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan," ayuu yiri afhayeenka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Cismaan Caruus oo Muqdisho ka hadlay.

Afhayeenku, wuxuu sheegay in ciidammada AMISOM, ay dhibaatooyin kala duwan oo joogto ah ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho, iyaguna ay u taagan yihiin sidii ay u difaaci lahaayeen shacabkooda.

"Waxaa la joogaa, xilligii ay shacabku iyagoo mideysan dagaal la geli lahaayeen ciidanka AMISOM, si ay u soo afjaraan dhibaatooyinka ay ku hayaan, suurogalna ma ahan in Museveni ay ciidankiisu sii joogaan Soomaaliya," ayuu yiri Sheekh Caruus.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM aysan nabad ku joogi doonin Muqdisho, inta ay dagaallada kula jiraan, isagoo sheegay in ciidammada cusub ee ka socda dalka Burundi ee lagu soo daray AMISOM ay si gaar ah u beegsan doonaan.

Booqashada Museveni, ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadkii hore la dhameystiray tirada ciidammada AMISOM lagana dhigay 8,000-askari, wuxuuna booqsho ku tagay saldhigyada ciidammadiisa ay kaga sugan yihiin Muqdisho, si uu niyadda ugu dhiso.

Tan iyo markii ay ciidammada AMISOM, bilaabeen howlgalladooda Muqdisho, waxaa lagu qaaaday weerarro ismiidaamin ah, kuwo toos ah iyo kuwo duqeymo ah, oo looga dilay in ka badan 80-askari, tiro intaas ka badanna looga dhaawacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya