Xoogagga Al-Shabaab iyo Kooxo hubeysan oo xalay ku dagaallamay gudaha Beledweyne

Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Iskahorimaad muddo kooban socday ayaa xalay ku dhexmaray degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, dagaalyahannada Xarrakatul Shabaab iyo ciidammo hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

"Rasaastu waxay socotay muddo daqiiqado ah, waxaana dagaalku uu ka dhacay koontarool ay canshuur ku qaadaan Xarrakatul Shabaab, kaasoo ku yaalla bartanka magaalada," ayuu HOL u sheegay goobjooge ku sugan Baladweyne.

Ciidammada weerarka soo qaaday oo dib uga baxay magaalada isla xalay, ayaa la sheegay inay tiro ahaan gaarayeen 70-ruux oo ku hubeysan baasuukayaal iyo qoryaha fudud, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inay ahaayeen kuwo ka amarqaata Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo dhowr jeer oo hore dagaal la galay xoogagga Xarrakatul Shabaab ee ka taliya gobolka Hiiraan.

Lama yaqaan, khasaaraha nafeed ee ka dhashay iskahorimaadkii xalay, oo ahaa mid culus, si iskiis ahna u istaagay.

Xaafadaha degmada Baladweyne, ayaa laga maqlay rasaasta culus ee ay labada dhinac is-dhaafsanayeen, iyadoo xaaladdu ay saakay caadi kusoo laabatay, balse xaafadaha Baladweyne ayaa waxaa gaaf-wareegaya ciidammo ka tirsan Xarrakatul Shabaab.

"Rasaastii xalay, waxay ahayd tii ugu cuslayd ee aan waayadaan maqalno, runtii cabsi weyn ayaan dareennay, balse xaaladdu haatan waa mid caadi ah," ayuu HOL u sheegay goobjooge kale oo ku sugan Baladweyne.

Maamulka Xarrakatul Shabaab ee gobolka Hiiraan, ayaan ka haldin iskahorimaadka, sidoo kalena ma jirto koox sheegatay inay mas'uul ka tahay, wuxuuse noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Baladweyne, tan iyo markii ay si guud ula wareegtay Xarrakatul Shabaab gacanta ku haynta degmadaas.

Hiiraan Online News Desk