Maamulka Kismaayo oo Xabsiga dhigay Haween iibinayay Jaad

Isniin, 29 November 2010(HOL): Ciidamada amaanka maamulka xarakada alshabaab ee degmada Kismaayo ayaa maanta xabsiga u taxaabay haween lagu eedeeyay in ay ka ganacsanayeen Jaadka iyadoo uu maamulku hore uga mamnuucay haweenka in ay ka ganacsadaan Jaadka.

Taliyaha saldhigga degmada Kismaayo Sheekh Xasan Cade oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in howgallo ay sameeyeen ay kusoo qabteen 30 kamid ah haweenka sida qarsoodiga ah uga ganacsada Jaadka kuwaa oo ku sugnaa suuqa Jaadka lagu iibiyo ee magaalada Kismaayo, waxaana uu sheegay in haweenkaasi loo taxaabay xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo.

Sheekh Xasan Cade ayaa sheegay in maxkamad lasoo taagi doono haweenkaasi si loo marsiiyo waxa ay ka qabto shareecada Islaamka, isagoona ugu baaqay haweenka kale ee Jaadka ka ganacsada ee ku dhaqan magaalada Kismaayo in ay ka waantoobaan islamarkaasina joojiyaan ganacsigaasi oo uu ku tilmaamay mid aan wanaagsanayn.

Howlgallada ay ciidamada amaanka degmada Kismaayo ku soo qabqabteen haweenkan, ayaa kusoo beegmaya xilli uu maamulku ka mamnuucay dumarka in ay ka ganacsadaan Jaadka, waxaana ciidamada amaanka degmada Kismaayo ay aalaaba soo qabqabtaan haween iyagu si qarsoodi ah Jaadka ugu dhex iibinaya gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya