Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula yeeshay Muqdisho golihiisa wasiirrada iyo xubno ka socday UN-ka

Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kulankii ugu horreeyay shalay kula yeeshay Muqdisho golaha wasiirrada xukuumadda cusub, kaasoo looga hadlay arrimo badan sida ammaanka guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda cusub.

Somali  Prime Minister Mohamed Abdullahi Mohamed addresses officials after his swearing in ceremony at the Presidential residence in Mogadishu, Somalia. Monday Nov. 1, 2010. Officials say an attack by Islamic militants against government soldiers in the Somali capital has left at least 15 people dead. It happened a day after Somalia's parliament passed a vote of confidence in the new prime minister.Shirka, ayuu ra'iisul wasaaraha oo hadal ka jeediyay ku sheegay inuu yahay mid isbarasho ah, sidoo kalena ay ku lamaansan tahay sidii ay xilalka ula kala wareegi lahaayeen wasiirrada cusub.

"Waxaa, nalooga baahan yahay dadaal iyo inaynu dardar-gelinno qodobada weli qabyada ah ee axdiga Qaranka iyo inaanu xooga saarno sida ugu dhaqsaha badan arrimaha soo socda, oo ay ka mid yihiin amniga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii looga gudbi lahaa sida ugu dhaqso badan dowladda KMG ah," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shirka ka hadlay.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa mahadnaq u jeediyay mahadnaq u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka, taasoo ku aadan kalsoonidii ay xukuumadiisa siiyeen, wuxuuna sidoo kale mahad u celiyay dadweynihii ka dhigay bannaanbaxyada aan kala go'a lahayn ee ay ku dalbanayeen in xukuumadda la ansixiyo.

Mudane Farmaajo, oo hadalka siiyay wasiirrada qaarkood, ayaa waxay sheegeen iyagoo tixraacaya dar-daaranka ra’iisul wasaaraha inay mas’uuliyadda ugu weyn oo shacabku ka sugayo ay tahay wax-ka-qabashada ammaanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, wuxuu maanta oo Isniin ah xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Qaramada midoobay oo ay hogaaminayeen madax xafiiska siyaasada Soomaaliya ee Qarammada midoobay Bruno Mpondo-Epo iyo aggaasimaha amniga iyo horumarinta ee xafiiska Siyaasada ee UN-ka Jonathan Sandy.

Wadahadal ay yeesheen labada dhinac, kaddib waxay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa amniga dalka iyo sidii loo kordhin lahaa tababarka iyo aqoonta xoogaga ku howlan nabadgelyada iyo ammaanka dalka oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka iyo booliska.

Ra'iisul wasaare Farmaajo, wuxuu madaxda Qarammada Midoobay u gudbiyay qorshaha xukuumada (Road Map), ee shirkii Madrid Spain lagu qabtay looga codsaday dowladda Soomaaliya inay muddo 60-cisho ah ku soo gudbiso qorshaha siyaasad, dhaqaale iyo bulsho, gaar ahaana amniga iyo dib-u-heshiisinta mudadaas oo ku ekayd 28.11.2010.

Madaxdii ka socotay Qarammada Midoobay, waxay kulan la qaateen xubnaha golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliyeed, iyagoo isla soo qaaday horumarinta amaanka dalka, taasoo ah howsha ugu horreysa ee laga sugayo dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay si dhaqso badan ku fuliso.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya