Dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Xaradhaban ee Mudug iyo askar tababar loogu soo xiray Boosaaso

Isniin, 29 November 2010(HOL):-Dagaalkan ayaa ka bilawaday deegaanka Xaradhaban ,waxaana uu u dhaxeeyaa maleeshiyaad hubaysan oo ka kala tirsan waqooyiga iyo koonfurta magaalada Galkacyo.

"Ma jiraan cid na soo gaarsiiyay warar sheegaya cid ku dhimatay dagaalkaas,balse cabsi ayaa la dareemayaa " ayuu yiri Axmed Cali oo ka mid ah dadka Gaalkacyo oo aan khadka taleefanka kula xiriiray.

Xiisadan ayaa la sheegay in ay daba socoto dagaalo horay gobolka uga dhacay oo la xiriiray dhul daaqsin ay labada dhinaca ku murmeen ,waxaana jiro baaqyo soo baxaya oo la xiriira in arinta la qaboojiyo.

Dhulka uu markii hore muranka ka soo bilowday ayaa lagu magacaabaa Godod oo ku taala waqooyiga magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalada inta badan ka dhaca gobolka ayaa la aaminsanyahay in ay gaystaan khasoorooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ,waxaana arintan ay ku soo beegmaysa,iyadoo la dareemayo abaaro dhibaatooyin kala duwan sababay.

Dhinaca kale dufcadii ugu horaysay oo ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa maanta tababar loogu soo xiray duleedka magaalada Bosaaso,si ay uga hortagaan burcad badeeda iyo tahriibta.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya