Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku qabsaday markab xamuul oo laga leeyahay dalka Malaysiya

Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Burcadbadeed Soomaali ah, ayaa afduubay markab xamuul oo laga leeyahay dalka Malaysiya iyo 23-shaqaale ah oo la socday, kaasoo Jimcihii lasoo dhaafay laga qabaday masaafo biyaha Soomaaliya ka baxsan 900-mayl, sida ay maanta shaaciyeen ciidammada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeedda.

Ciidammada Midowga Yurub, waxay sheegeen in markabkan oo lagu magacaabo MV Albedo, uu ku socday xilliga ay kooxaha burcadbadeedda ah qabsanayeen dekedda Mombassa ee dalka Kenya, isagoo kasoo shiraacday dekedda Jebel-Cali ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shaqaalaha la socda markabkan, ayaa waxy u kala dhasheen dalalka: Bakistaan, Sirilaanka, Iiraan, kuwaasoo la sheegay inay caafimaad qabaan, waxaana markabka uu ku wajahan yahay xeebaha ay ku xooggan kooxaha burcadbadeedda ah.

Afduubkan, ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay ciidammada NATO, awood kaga furteen kooxo burcadbadeed ah markab xamuul oo laga leeyahay dalka Turkey, kaddib markii shaqaalihii la socday ay isku xireen qolka badbaada ee markabkaas.

Burcadbadeedda Soomaalida, ayaa waxay malaayiin Dollar oo madaxfurasho ah ka helaan maraakiibta ay qabsadaan iyo shaqaalaha la socda, kuwaasoo ay ku jiraan kuwa shidaalka qaada, oo ay ka helaan lacago badan.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya