Wasiirada dastuurka iyo arrimaha federaalka iyo gaashaandhigga Soomaaliya oo maanta xilalkoodii la wareegay

Isniin, 29 November, 2010 (HOL) − Wasiirrada dastuurka iyo arrimaha federaalka iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta xilalkoodii la wareegay, kaddib markii xaflado ku saabsan xil wareejintan ay ka dhacday Muqdisho.

Xaflad lagu qabtay, xafiiska wasaaradda dastuurka ee degmada Shingaani, ayaa waxaa xilka wasaaradda dastuurka kula wareegay wasiirka cusub Eng. Maxamuud Maxamed Boonow, isagoo kala wareegay wasiirkii hore Madoobe Nuunow Maxamed.

"Mudane wasiir, waxaan halkaan kugu guddoonsiinayaa dastuurka qabya-qoraalka ah ee la tashiga dadweynaha, kaasoo ku qoran afka Soomaaliga, ee Maayga iyo Maxaa-tiri, sidoo kalena ku turjuman afafka Carabiga iyo Ingiriiska," ayuu ka yiri Madoobe Nuunow xafladdii uu xilka ku wareejiyay.

Madoobe Nuunow, ayaa sidoo kale, wareejiyay warqado uu sheegay inay ku qoran yihiin liiska shaqaalaha wasaaradda iyo liiska hantida taalla xafiiska wasaaradda, isagoo ka sheegay xafladda inuu la shaqeynayo wasiirka cusub.

Wasiirka cusub ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha federaalka oo markii uu xilka la wareegay ka hadlay goobta, ayaa yiri: "Madoobe Nuunow, muddo badan ayaan isla shaqeynay, aad ayaana ugu faraxsanahay inaan kala wareego xilka, runtiina howshan waa mid culus, waana u baahannahay inuu gacan naga siiyo gudashadeeda."

Dhanka kale, wasiirka cusub ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa isaguna xilka kala wareegay wasiirkii hore Abuukar Cabdi Cismaan (Mardaadi), wuxuuna isla maanta u dhoofay dalka Burundi, si uu uga qayb-galo shirka wasiirrada gaashaandhigga bariga Afrika oo dalkaas ka dhacaya.

"Waxaan kusii socdaa Burundi, oo aan kaga qaybgalayo shirka wasiirrada difaaca, dalalka bariga Afirka, waxaana looga hadli doonaan shirkaas wixii u qabsoomay gole ay wasiirrada bariga Afrika ku mideysan yihiin," ayuu yiri wasiirka difaaca DKMG ah intii uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehliya taliyaha ciidammada xoogga dalka Axmed Jimcaale Geeddi, iyo xubno saraakiil ah, waxaana shirkan uu socon doonaan sida uu wasiirku sheegay muddo saddex maalmood ah, waana wasiirkii labaad oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka dhoofa Muqdisho, tan iyo markii la ansixiyay xukuumadda cusub.

Maxmaed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya