Talaado, September 14, 2010 (HOL) - Maamulka Xarakada Alshabaab ee gobolka gedo ayaa maanta xukun tacsiir ah ku fuliyay 3 dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay iska duubeen aflaanta anshax xumo.
Dhalinyaradan ayaa waxa soo qabtay cidamada amaanka degmada Baardheere, xilli mid kamid ah uu mobilkiisa ka daawanayay filim jinsi ah oo uu ka duubay wiil ay saaxiibo ahaayeen, waxaana markii gacanta lagu soo dhigay uu sheegay labadii qof ee uu ka duubay filimka.
Waaliga xarakada alshabaab ee gobolka gedo Sheekh Bishaar Xuseen Aadan, ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka degmada Baardheere ay ku soo qabteen wiil dhalinyaro ah oo uu mobilka ugu duubnaa filin anshax xumo ah oo uu ka duubay wiil iyo gabar, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labada dhalinyaro ee filinka laga duubay, kadibna ay qirteen.
Maxkamadda degmada Baardheere ayaa ku xuntay dhalinyaradaasi min 100 karbaash iyo hal sano oo masaafuris ah, waxaana dhalinyaradaasi manta lagu karbaashay meel fagaare ah oo ay kazoo qeybgaleen boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Hadalheynta ugu badan ee dadka ku dhaqan degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa maanta ah falalka lagu soo qabtay dhalinyaradaasi, waxaana xukunka lagu fuliyay dhalinyaradani uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo ka dhaco gobolka Gedo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya