Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Xildhibaanno gaaraya 111-mudane ayaa mooshin looga dalbaday xukuumadda inay ku hortimaaddo baarlamaanka uu guddoonka sare u gudbiyay xukuumadda, taasoo uu gaashaanka ku dhuftay ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.
Shir Jaraa'id oo wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha uu shalay gallinkii dabme ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in mooshin uu kaga yimid baarlamanka ayna adeecayaan.
"Ra'iisul wasaaraha waan u sheegay in mooshin loogu yeerayo xukuumadda uu ka yimid baarlamaanka, wuxuuna ii sheegay inuu imaanayo, balse ma imaan, xilliga la qabtayna wuxuu ku eg-yahay maanta oo Talaado ah waana hortagaynaa," ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe oo ah ku simaha ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Mooshinkan ayaa la sheegay inuu yahay mid la doonayo in xilka looga tuuro DKMG ah ee uu horkacayo Sharma'arke, iyadoo warar hoose ay sheegayaan inuu la xiriiro khliaafka u dhexeeya madaxda dowladda Soomaaliya.
Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in mooshinkaas uu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn uuna ka jawaabay 11-kii bishan, isagoo xusay inuu bishii July ee sannadkan hortagay, isla markaana aysan arrintan ahayn mid xiriir la leh khilaafka taagan.
"Sharciga dalka u dagsan wuxuu qabaa in mooshinnada laga keenayo xukuumadda ay u dhexeyso lix bilood, sidaa daraadeedna mooshinka cusub ma ahan mid sharciga waafaqsan," ayuu yiri ra'iisul wasaare Sharma'arke.
Dhanka kale, Ra'iisul wasaaraha oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in hadalka kasoo baxay Sheekh Aadan Madoobe oo ku xigeenkiisa ah ee ku aqbalay mooshinka uu yahay mid uu ku doonayo inuu ku fowdeeyo xukuumadda.
"Sheekh Aadan Madoobe, aniga ayaa magacaabay, welina lagama ansixin golaha shacabka, sidaa daraadeed kama jawaabi karo mooshin ka yimid xukuumadda, waxa uu wadana waa fowdo," ayuu yiri Sharma'arke.
Dhacdooyinkan ayaa waxay muujinayaa halka uu gaarsiisan yahay khilaafka u dhexeeya madaxda dowladda KMG ah, iyadoo mas'uul walba uu wado olole uu ku doonayo inuu midka kale xilka uga qaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya