Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Waxaa maanta baaqday kulan uu maanta yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la sheegay in xukuumaddu ay ku hortegi lahayd si loola xisaatamo, iyadoo aan la sheegin sababta uu u baaqday.
"Kulankii uu yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya wuu baaqday, dib ayaana laga soo sheegi doonaa xilliga uu qabsoomayo," ayuu saxaafadda u sheegay Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah xoghayeyaasha guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Mudanahan ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo sababta keentay baaqashada kulanka, balse warar aanay HOL xaqiijin ayaa sheegaya in xildhibaannada ku sugan Muqdisho aysan buuxin karin kooramka uu ku furmi karo kulanka baarlamaanka.
Dhanka kale, waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay mooshinka ka dhanka ah DKMG ah xildhibaannada baarlamaanka qaarkood, kaasoo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid uu gaashaanka ku dhuftay sharci ahaanshihiisa.
"Mooshinka xukuumadda laga keenay waa mid sharciga waafaqsan, waxaana ugu baaqayaa xildhibaannadu inaysan codka kalsoonida siin xukuumadda, waayo waa xubno keligood cunayaal ah," ayay tiri Xidlhibaanad Saynab Maxamed Caamir oo la hadashay Idaacadda Honafrik.
Sidoo kale, mudane Axmed Cumar Gaagaale oo isaguna la hadlay Radio Hornafrik ayaa sheegay in mooshinkan uusan ahayn mid sharciga waafaqsan, wuxuuna ka digay in tani ay keeni karto in dowladda oo dhan burburto.
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku qaybsamay khilaafka ka dhex-oogan madaxda dalka ugu sarreysa, iyadoo la sheegayo in labada mas'uul ay lacago u kala jiidanayaan xildhibaannada baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya