Aqoonyahanada Gal-Mudug oo Ku Baaqay in La Xaliyo Khilaaf Madaxda Maamulka u Dhaxeeya

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Xubno kamid ah aqoonyahanada Gal-Mudug ayaa ka digay in uu kordho khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada,kaasi oo ku salaysan wasiiro uu madaxwaynaha soo magacaabay,isla markaana barlamaanku ay ka biyo diideen.

Khilaafkani ayaa waxaa uu ka dhex taagan yahay xubnaha labada Golle ee Baarlamaanka iyo Xukuumada, waxaana mudanayasha ay sheegeen in aan la hor keenin wasiiro uu madaxwaynahu ku dhawaaqay maalmo ka hor.

Maxamed Axmed oo ka mid ah macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada Gal-Mudug ayaa sheegay in looga baahanyahay maamulka sidii arintan ay uga gudbi lahaayeen inta aysan kordhin.

"Waxaa haboon inta arinta ay ugubka tahay in la xaliyo,isla markaana la iska fahmo khilaafka kasta oo yimaada " ayuu yiri Axmed oo si gaar ah HOL ula hadlay.

Khilaafka labada dhinac ayaa sii kordhay ka dib markii wasiirada la soo magacaabay ay dhagaha ka furaysteen baaqyadii barlamanka ka soo yeerayay ee la xiriiray in ay horyimaadaan.

Madaxwaynaha Gal-Mudug ayaa la sheegay in uu wado diyaarinta qorshe wasiirada lagu horkeenayo barlamanka,waxaana khilaafkan laga dareemay degmooyinka maamulka uu ka taliyo.

Ugu danbayntii aqoonyahanada Gal-Mudug ayaa badankood qaba in arinta la dhameeyo si aysan u balaaran ,waxaana lagu wadaa in labada gole ay kulumo ka yeeshaan arinta taagan.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya