Xukuumadda Somaliland oo faahfaahin dheeraad ah ka bixisay Kooxo hubaysan oo ku dhuumanaya galbeedka dalka

Talaado, 14 September 2010, (HOL)- Taliyeyaasha ciidamada Milateriga iyo Booliska Somaliland Mr. Nuux Ismaaciil Taani iyo Cilmi Rooble Furreh (Kabaal), ayaa faahfaahin ka bixiyay inka badan laba boqol oo askar hubaysan ah oo ka soo degay xeebta gobolka Awdal ee Galbeedka Somaliland.

 

Taliyeyaasha oo xalay fiidkii warbaahinta kula hadlay xarunta laanta Dambi-baadhista ee Hargeysa, waxay sheegeen in ciidankaasi ahaayeen ilaa 250 askari oo ka tirsan jabhadda ONLF oo lagu soo tabobaray dalka Eretria, waxayna soo bandhigeen hub iyo cadaymo ay ciidankaasi ay kaga tageen tuulada Cabdiqaadir oo ka tirsan gobolka Awdal, ka dib markii ay ka soo degeen goobta gobolkaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaar k amid ah Lacagta dalka Ereteriya laga isticmaalo, Waraaqo caddaynaya halka ay u socdeen iyo hawl-gallada ay doonayeen inay fuliyaan iyo caddaymo kale.

 

“Meesha u dhexaysa Lughaya iyo Saylac taariikhdu markay ahayd 10-kii bisha waxa ka soo degay ciidan lagu qiyaasay ilaa 250 ilaa 300, saddex baabuur oo kuwa 19-ka loo yaqaan ah ayaa loo geeyey si qarsoodi ah, way soo qaadeen oo meel Jidhi la yidhaahdo ayey soo gaadheen, baabuurtuna qaar la garanayo oo kuwi Milixda soo guri jirtay ayay ahayd. Nimankii kaantaroolka joogay waxa lagu yidhi Milixdii ayuun baanu sidnaa, dadkuna hoosta ayey fadhiyeen, maadaama ay baabuurta garanayeen way aamineen, waa la soo daayay, dabadeedna meel u dhaw Jidhi lafteeda ayey ku rogeen hubkii ay siteen,” sidaa waxa yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Col. Cilmi-Kabaal oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka hadlay. Wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay markii dambe galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo oo Cabdiqaadir ka soo horjeeda, hawlgalkiina wuu socdaa, hubkii laga soo qabtay waa kan, lacagtii laga helayna rafka ayaa la yidhaahdaa, qaarna Axmaari ayey ku qoran tahay qaarna Soomaali tababarkii ay Itoobiya ay ku wada qaadanayeen iyo afafkii ay ku qaadanayeen ayaa ku wada qoran (waraaqo uu soo bandhigay), taasina waxay ku tusaysaa inay Eretria ka yimaadeen, nimankaasina ay ahaayeen cadow ku socda Itoobiya, inagana waa inoo cadow, maadaama ay dalkeenii ka soo degeen waxba inoomay dhigan.”


 

Taliyaha Boolisku waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan laba baabuur oo ka mid ah saddexda gaadhi ee ciidankaas oo xeebta Doonyo keeneen soo qaaday, isla markaana ay sharciga marin doonaan. “Gacantayada ayey ku jiraan oo waanu haynaa iyaga iyo dirawaladiiba, si sharciga waafaqsan baana loo ciqaabi doonaa,” ayuu raaciyay Mr. Kabaal.

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Col. Nuux Ismaaciil Taani oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id, waxa uu sheegay in aanay awood ahaan dabooli karin ilaalinta xeebta dheer ee Somaliland. “Ma wada dabooli karno xeebteena dhererkeeda, markaa meel ayey soo eegteen oo ay yimaadaan, ka dibna halkaas ayey habeenimadii 11-kii bisha ka soo ambabaxeen. Sida aad ogtihiinba Somaliland way cadaw badan tahay, tani waa mid ka mid ah tabaha Somaliland lagula dagaalamayo, kuwa horena way na soo mareen, qaar dambena waanu filaynaa mid kasta waxaynu kaga gudubnay si guul ah oo wanaagsan. Nimankaasi meesha la yidhaahdo Cabdiqaadir ayey ku nasteen waa halka hubkan laga helay oo ay kaga yaaceen, waxay galeen buurta Maarmaar la yidhaahdo, marka ay xadka joogaan Itoobiyaanku way ogaayeen inaanu xidhiidh ka wada yeelano, Itoobiyaanka lagama maarmaan ayey noqotay,” ayuu yidhi Taliyaha Milateriga Somaliland.

 

Waxa uu sheegay in hore ciidanka ONLF shaqsiyaad kooban ahaan ugu soo geli jireen Somaliland, balse aanay dhacdadan oo kale hore u soo marin. “Hore waxa u jiri jirtay afar-far ayey u soo gali jireen wadanka halkan Hargaysaba waynu ku qabanaa. laakiin ciidan sidaa u hubaysan oo 250 ah hore inoomuu soo marin,” ayuu raaciyay. Wuxuuna intaa ku daray, in Ciidanka Itoobiya xidheen xuduudka dalkooda, isla markaana Somaliland xidhay xuduudka, ciidan xooganina ka baxeen dhinaca magaalada Hargeysa. “Waxaanu amar ku haysanaa muddo laba cisho ah inaanu hawshaa ku soo gabagabayno ilaa laba nin-na waa hayaa,” ayuu yidhi Taliyuhu.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.






Talaado, September 14, 2010 (HOL) - Naadiga Akhriska ee Magalada Burco ee ( Halkaraan Readers club ) ayaa Habeenkii xalay ahaa Soo Bandhigay Buugi 15-aad ee ay Soo Bandhigaan.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) - Maamulka Xarakada Alshabaab ee gobolka gedo ayaa maanta xukun tacsiir ah ku fuliyay 3 dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa in ay iska duubeen aflaanta anshax xumo.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ciidammada Burundi oo ka tirsan AMISOM saldhigna ku leh kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa rasaas khasaare geystay ku furay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho iyo deegaannada loo barakacay.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Boqolaal qof oo ka careysnaa hadal kasoo baxay baadari Mareykan ah oo sheegay inuu gubayo Kitaabka Qur'aanka iyo nuqullo ka mid ah Kitaabka oo ay gubtay Kaniisad ku taalla dalka Mareykanka ayaa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaannada loo barakacay.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Talaado ah dib ugu laabtay Muqdisho, iyadoo ra'iisul wasaaruhu uu durba kulan la qaatay xildhibaanno iyo wasiirro ka tisran dowladda.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Xubno kamid ah aqoonyahanada Gal-Mudug ayaa ka digay in uu kordho khilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada,kaasi oo ku salaysan wasiiro uu madaxwaynaha soo magacaabay,isla markaana barlamaanku ay ka biyo diideen.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xalliyaan khilaafka u dhexeeyay, iyagoo ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah jiritaanka xukuumadda.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Waxaa maanta baaqday kulan uu maanta yeelan lahaa baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo la sheegay in xukuumaddu ay ku hortegi lahayd si loola xisaatamo, iyadoo aan la sheegin sababta uu u baaqday.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowaldda oo isaga taageersan inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay xilka kaga tuuraan xukuumadda uu horkacayo.

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Xildhibaanno gaaraya 111-mudane ayaa mooshin looga dalbaday xukuumadda inay ku hortimaaddo baarlamaanka uu guddoonka sare u gudbiyay xukuumadda, taasoo uu gaashaanka ku dhuftay ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke.

Somali News

9/14/2010 3:07 PM EST
MADRID — Spain and the Seychelles on Tuesday signed two agreements aimed at fighting piracy in the Indian Ocean, where Spanish trawlers have been among the regular targets of Somali kidnappers.

9/14/2010 3:06 PM EST
ADDIS ABABA, September 14 (Reuters) - Ethiopia's ONLF rebel group denied on Tuesday that almost 300 of its fighters were surrounded in Somaliland after landing on the breakaway region's coast following training in Eritrea.

9/14/2010 12:53 PM EST
MOGADISHU, SOMALIA -- During the day, Mohamed Mahmoud counts the African Union peacekeepers in his neighborhood and notes their locations. At night, he gives the information to his handlers in the radical al-Shabab militia, undermining the U.S.-backed government the peacekeepers support.

9/14/2010 12:14 PM EST
GRAND ISLAND, Neb. - A man who was the victim in one shooting and is now charged in another waived his preliminary hearing Monday.

9/14/2010 12:07 PM EST
NAIROBI, Kenya, Sept. 14 (UPI) -- The transitional government in Somalia has less than a year to come together to form a united front, the United Nations warned.

9/14/2010 10:58 AM EST
For the past three years, MSF had been running an outpatients department, a paediatric inpatients department, cholera and diarrhoea treatment centre and a nutrition programme in the Hawa Abdi area as well as distributing clean water and items such as blankets and plastic sheeting. MSF acknowledges the support of the Hawa Abdi family during the three years of working together.

9/14/2010 7:31 AM EST
Foreign envoys who narrowly escaped a suicide attack in Somalia say a rift at the top of its Western-backed government is threatening to derail efforts to fend off an Islamic insurgency.

9/14/2010 5:44 AM EST
Authorities in the self-declared republic of Somaliland say their troops have surrounded up to 300 hundred Ethiopian rebels they say entered their territory illegally

9/14/2010 4:28 AM EST
UNITED NATIONS (AFP)— The United Nations warned that the Somalia insurgents Shebab are a serious international security threat, as it made a new appeal Monday for the nation's transitional government to end its squabbling.

9/14/2010 4:19 AM EST
A judge ruled Monday that a teenager accused in a January triple slaying was 16 at the time and should be tried as an adult.

9/14/2010 4:13 AM EST
A man trying to buy marijuana from two other men Monday evening ended up being stabbed with a meat cleaver with a 15-centimetre blade, police said.

9/14/2010 4:09 AM EST
As the global Islamic community concludes its celebrations of Eid ul-Fitr, the EU Heads of Mission in Nairobi resolutely condemn the violence which has marred the Holy Month of Ramadan in Somalia and remain deeply concerned by the extremely serious humanitarian and security situation.
Click here