Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ciidammada Burundi oo ka tirsan AMISOM saldhigna ku leh kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa rasaas khasaare geystay ku furay mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Muqdisho iyo deegaannada loo barakacay.
"Baabuurka oo ahaa Mini-bus, wuxuu istaagay afaafka hore ee kulliyadda, halkasoo uu qof rakaab ah ka qaadayay, laakiinse ciidamadu way ka shakiyeen waxayna ku fureen rasaas, taasoo dishay haweenay qof kalena dhaawacday," ayuu yiri goobjooge la hadlay saxaafadda.
Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad ayaa tan iyo sannadkii 2009, waxay ahayd saldhiga ay daggan yihiin ciidamada Burundi oo ka mid ah 7,000-askari oo ka socda Midowga Afrika una jooga Muqdisho howlgallada nabad ilaalinta ah ee AMISOM.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu ka tagay suuqa Bakaaraha kuna socday deegaanka Ceelasha-biyaha oo ay ku nool yihiin dadkii dagaallada socda uga barakacay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Dhanka kale, maamulka gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta amarro cusub kusoo rogay gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo deegaannada loo barkacay, kuwaasoo ku saabsan qaabka gaariga loo raaco iyo goobaha laga rarayo.
Mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka oo uga warbixinayay saxaafadda amarka lagu soo rogay ayaa sheegay in lagu xukumay inuusan jirin karin qof gaariga albaabka ka qabsan kara, sidoo kelana ay ka raranayaan gaadiidka baro cayiman.
Dadweynaha ayaa soo dhaweeyay amarkaan, iyadoo darawlladu ay ku sheegeen inay tahay mid saameyn ku yeelanaysa dhaqaalihii ay heli jireen, waxaana markii hore gaadiidka laga rari jiray dusha sare, iyo albaabbada markii ay kuraastu buuxsanto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya