Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo ugu baaqay madaxda Soomaaliya inay xalliyaan khilaafkooda

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya inay xalliyaan khilaafka u dhexeeyay, iyagoo ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah jiritaanka xukuumadda.

War-murtiyeed ay si wadajira uga soo saareen Nairobi Wakilka UN-ka ee Soomaaliya Augustine P. Mahiga, Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Dajire Boubacar Diarra iyo sarkaalka IGAD u qaabilsan nabadda iyo dib u heshisiinta Kipruto Arap Kirwa, ayaa waxay ku tilmaameen khilaafka mid rajadii Soomaalida hoos u dhigaya.

"Xubno badan oo beesha caalamka ka tirsan ayaa si aan daal-la'aan ah u garab-taagan maamulka hadda ka jira Soomaaliya, waxayna ugu baaqayaan madxda DKMG ah inay khilaafkooda damiyaan ayna diiradda saaraan sidii ay kusoo celin lahaayeen ammaanka dalka muddada yar ee u hartay" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan kasoo baxay UN-ka AU-da iyo IGAD.

Mas'uuliyiinta soo saaray warbixintan ayaa waxay saddexduba booqdeen Muqdisho, iyagoo kula shirayay madaxweyne Sheekh Shariif garoonka diyaaradaha, markii uu dhacayay qaraxii iyo weerarkii ay mas'uuliyadda sheegatay Xarrakatul Shabaab sagaalkii bishan.

Dr. Mahiga, Danjire Diarra iyo Mudane Kirwa ayaa hoosta ka xarriiqay in xilliga dowladda Soomaaliya uu xilligeeda ku eg-yahay August 2001, inta u hartayna looga doonayo inay howlaha u dhiman ku dhameystiraan.

"Waa muhiim in laga fikiro in xilliga KMG ah ay ka baxdo dowladda Soomaaliya, waayo waa mid fursad u siinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay lugta la galaan xilli aan KMG ahayn, waana in xilliga kala guurka ah ay dowalddu la timaado waxqabad" ayay xubnahan ku yiraahdeen warkooda wadajirka ah.

Ma'suuliyiintan waxay ka digeen in kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay ka faa'iideysato khliaafka u dhexeeya madaxda dowaldda, waxayna sheegeen in AMISOM ay khatar ugu jirto inay badbaadiso xukuumadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya