Ra'iisul wasaaraha DKMG ah oo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu wado qorshe xukuumadda lagu ridayo

Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Somaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Sheekh Shariif, xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan dowaldda oo isaga taageersan inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay xilka kaga tuuraan xukuumadda uu horkacayo.

"Runtii weerarkan waa mid ay siyaasad ka dambeyso, waxaana caado ka noqotay Soomaaliya marka la gaaro xilliyadan oo kale in la abuuro walaac la isaga horkeenayo madaxda dalka, balse waxaan ku talin lahaa in lawada hadlo oo aan lagu deg-degi in wax la tuuro," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sharma'arke, wuxuu aad u dhaliilay hadalkii kasoo baxay ku xigeenkiisa ahna ku simaha xilkiisa Sheekh Aadan Madoobe, isagoo ku tilmaamay mid uu aad ula yaabay, isla markaana lagu fowdaynayo xukuumadda uu hoggaaminayo.

"Xildhibaannada baarlamaanku waa inay si dhab ah ula xisaabtamaan hay'adaha kala duwan ee dowladda, lana raadiyo halka uu khaladka ka jiro, waxaana diyaar u nahay xukuumad ahaan inaan wixii khalad ah ee nalagu helo aan qaadano," ayuu yiri mudane Sharma'arke.

Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay soo bandhigto waxqabadkeeda, gaar ahaan dhinacyada dib u heshiisinta, ammaanka iyo howlaha kale ee xukuumadda, balse baaritaanno kuwaas oo kale ah lagu sameeyo Madaxweynaha hay'adaha kale.

Mudane Sharma'arke ayaa sheegay in khilaafka taagan uu ka dhashay in la xisaabtam dhab ah lagu sameeyo hay'adaha dowladda iyo xilliga KMG ah oo soo jirtay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991 laga baxo.

Toddobaadyadii ugu dambeeyay ayaa soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweyne Sheekh Shariif iyo ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid, waxaana labadan mas'uul ay ololayaal ay isaga soo horjeedaan ka kala wadaan Muqdisho iyo Nairobi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya