Talaado, September 14, 2010 (HOL) − Boqolaal qof oo ka careysnaa hadal kasoo baxay baadari Mareykan ah oo sheegay inuu gubayo Kitaabka Qur'aanka iyo nuqullo ka mid ah Kitaabka oo ay gubtay Kaniisad ku taalla dalka Mareykanka ayaa maanta ka dhacay duleedka Muqdisho, gaar ahaan deegaannada loo barakacay.
Dadweynaha dibadbaxa sameynayay ayaa waxay socd dheer ku mareen inta u dhexeysa koontaroolkii Afgooye iyo Muqdisho ee KM-15 iyo deegaanka Calamada ee KM-18 oo u dhexeysa deegaannada Ceelashada-biyaha iyo Xaawo Cabdi.
"Waxaan cambaareynaynaa oo aan ka careysanna cadownimada ay gaaladu u qabaan diinta Islaamka iyo Muslimiinta, dadka oo dhan waxay kasoo horjeedaan baadariyada iyo kaniisadaha Mareykanka," ayay tiri Raaxo Ismaaciil oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxa sameynayay.
Ardayda ka qaybgalayay bannaanbaxa oo xirnaa dharka dugsiyada sare isuguna jiray rag iyo haween dhallinyaro ah ayaa waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin erayo ay kaga soo horjeedaan dalalka Mareykanka iyo Israel.
Dibadbaxayaasha ayaa waxay isugu tageen barxad weyn oo ku taalla Calammada, halkaasoo ay ugu dambeyn ku gubeen calammada Mareykanka iyo Israel, iyadoo dalalkaas u jeediyay eedeymo ku saabsan Islaam nacaybkooda.
Ma jirin mas'uuliyiin ka tirsan Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab oo ka qaybgalay dibad-baxaas, maadaama ay deegeannadaas gacanta ku hayaan, waxaana dibad-baxyo kuwan la mid ah ay todobaadkan ka dhaceen degmada Dharkeynley ee Muqdisho oo ay ka taliso dowladda Soomaaliya.
Gobollada ay Xarrakatul Shabaab gacanta ku hayso ayaa la filayaa inay berri ka dhacaan dibadbaxyo noocan oo kale ah, kuwaasoo looga soo horjeedo go'aannada ay baadariyada Mareykanku ku sheegeen inay ku gubayaan Kitaabka Qur'aanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya