Gaadiidka oo Maanta Bilaabay in ay Isticmaalaan Buundada Kamsuuma

Talaado, Oktoobar 26 (HOL) - Iyadoo shalay lasoo gabagabeeyay dhismihii buundada kamsuuma ee gobolka J/hoose, ayaa waxa maanta la arkayay gaadiidka xamuulka iyo kan sida rakaabka isaga kala goosha gobollada dalka oo isticmaalaya buundadaasi.

Gudoomiyaha gobollada Jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in ay soo gabagabeeyeen dhismaha buundada Kamsuuma, waxaana uu sheegay in ay ilaah uga mahadcelinayaan howsha dhismaha buundada sida nabadgelyada leh ee ay ugu dhamaatay, waxaana uu sidoo kale arintaasi uga mahadceliyay ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan gobollada Jubooyinka oo uu sheegay in ay qeyb ka qaateen sidii loo dhisi lahaa buundada Kamsuuma.

Gudoomiyaha ganacsatada Degmada Kismaayo Xasan Awlibaax oo isagu kamid ahaa masuuliyiintii ka hadashay dhismaha buundada ayaa sheegay in ay buundadu laf dhabar u tahay isu socodka dadka iyo gaadiidka islamarkaasina ganacsato ahaan ay siweyn usoo dhaweynayaa dhismaha uu maamulku ku sameeyay Buundada kamsuuma.



Buundada Kamsuuma oo burbur ba'ani kasoo gaaray dagaaladii sokeeye ee u dhexeeyay Soomaalida ayaa iyadu ahayd mid aad u tabar daran, waxaana ciidamada ilaalada buundada ee maamulka deegaanka Kamsuuma ay had iyo jeerba kontorooli jireen xamuulka saaran gaadiidka isticmaala buundadaasi, dhawaan ayay ahayd markii ay la go'day gaari nooca xamuulka sida ah oo isticmaalayay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya