Qarax lala beegsaday ciidanka AMISOM iyo shil ka dhacay duleedka Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhawac

Talaado, 26 October, 2010 (HOL) – Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen , qarax Muqdisho lagula beegsaday ciidammada Burundi ee AMISOM iyo iyo shil gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Qaraxa lala beegaday ciidammada AMISOM oo ahaa miinooyinka meelaha fog-fog laga hago oo ka dhacay agagaarka kulliyaddii hore ee Jaalle Siyaad, ayaa waxaana ku dhintay ugu yaraan laba qof oo shacab, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, ayaa xusay inay ka dambeeyeen guutadooda qaraxyada, khasaare xooggan ayana ku gaarsiinay ciidammadii ay la beegsadeen, waxaana sarkaal u hadlay uu sheegay inay qaraxa ku dileen ciidammo badan oo AMISOM ka tirsan.

Ciidammada AMISOM, ayaan  weli ka hadlin weerarka miino ee kolonyada gaadiidkooda lala beegsaday, waxaase iskahorimaad markii uu qaraxu dhacay kaddib uu iskahorimaad kooban ku dhexmaray ciidammadii AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab, kaasoo aan la sheegin khasaare ka dhashay.

Dhanka kale, baabuur Toyoto ah oo kusii jeeday degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada hoose, ayaa ku rogmaday deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay ku dhinteen laba qof oo ka mid ah rakaabkii gaariga la socday, halka ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale.

“Gaariga wuxuu ahaa Toyoto, wuxuuna rogmaday isagoo xoog ku socda, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay ahaayeen rakaabkii gaariga la socday,” ayuu yiri goobjooge la hadlay saxaafadda, iyadoo goobjooguhu uu sheegay in gaariga uu rogmaday markii uu jidka ka baxay.

Dhaawacyadii ka dhashay gaariga rogmaday, ayaa loosoo qaaday isbitaallada Muqdisho, sababo la xiriira dhaawacyadooda oo halis ah, waxaana inta badan rogmashada gaadiidka loo aaneeyaan jidadka oo burbursan iyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya