
Talaado, 26 October, 2010 (HOL) − Afhayeenka ciidammada AMISOM Barigye Ba-Huku ayaa markii ugu horreysay qiray in askari ka tirsan ciidammadooda lagu dilay dagaal ka dhacay Muqdisho, maydkiisana lagu soo bandhigay suuqa Bakaaraha.
"Xoogag taabacsan Al-shabaab, ayaa askari ka tirsan ciidammadeenna oo ku sugan goob uu ilaalo ka hayay toogtay, kaddibna waxay jiiteen maydkiisa, askarigaasna wuxuu u dhashay dalka Uganda," ayuu yiri Maj. Ba-Huku oo wareysi siiyay VOA-da.

Askarigan, ayay Xarrakatul Shabaab kusoo bandhigtay maydkiisa suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, waxaana afhayeenka AMISOM uu sheegay in askrigan ay filayaan in la toogtay habeenkii Sabtida, ayna ogaadeen inuu ka maqan maalintii Axadda ahayd.
"Weerarrada ay kooxaha hubeysan kusoo qaadaan saldhigyadeenna waa joogto, waxaana mid ka mid ah weerarradaas ku dileen askariga ay maydkiisa soo bandhigeen," ayuu yiri Maj. Ba-huko, oo sheegay inay wadaan baaritaanno ku saabsan qaabkii loo toogtay iyo qaabkii loona jiitay maydkiisa.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in shan askari oo ciidankooda ka tirsan lagu dhaawacay weerarkaas, oo ka dhacay sida uu sheegay goob dhinac waqooyi kaga beegan jidka Maka Al-Mukarama saddex KM.
Ciidammadfa AMISOM ee ku sugan Muqdisho, ayaa waxay tiradoodu tahay 7,200-askari, waxayna ka socdaan dalalka Burundi iyo Uganda, iyagoo weerarro maalin-leh ah kala kulma Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo wacad ku maray inay afka ciidda u darayaan dowladda Soomaaliya oo taageero ka hesha Qarammada Midoobay.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ka hadlay halka lagu soo bandhigay Askarigan maydka ah, ayaa sheegay in isaga iyo askar badan lagu dilay weerar ay ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leedahay gurigii shaqaalaha ee jidka Maka Al-Mukarama.
Sheekh Cali Dheere, wuxuu ugu baaqay dalalka Burundi iyo Uganda inay ciidankooda kala baxaan Somaila, haddii kale ay maalin walba kusoo bandhigi doonaan maydadka askartooda waddooyinka Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya