Warqad ka soo baxday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya lana xiriirta ansixinta Ra'iisul Wasaaraha Cusub

Talaado, Oktoobar 26 (HOL) - Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa Isniintii waxay bixisay fasiraad xagga sharciga ah oo ku saabsan kalsooni-siinta raíisul wasaaraha, waxayna Maxkamaddu caddeysay in codka kalsooni-siinta raíisul wasaaraha uu dastuur ahaan iyo soo-jireen ahaa-ba yahay mid lagu qaado hab gacan-taag ah, ee uusan noqon mid qarsoodi ah.

“Maxkamadda Sare waxay fasiraad sharci ah ka bixisay weydiinta aragtida sharci ee la xiriirta ansixinta Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabay Madaxweynaha, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, iyada oo cuskanaysa qodobka 71-aad faqraddiisa 2-aad ee Axdiga Ku-Meelgaarka oo caddaynaya in Dastuurka lagu xusin Axdiga Ku-Meelgaarka, haddii uusan ka hor-imaanayn shuruucda kale Jamhuuriyadda Soomaaliya ee 1960-kii loo isticmaali karo arrimaha aan ee dalka iyadoo qodobka 82-aad faqraddiisa 2-aad ee Dastuurka 1960-kii uu sheegayo ansixinta Wasiirka 1-aad in ay ahaato gacantaag taas oo sharci ah, soo jireenna ahayd intii ka horreysey arrintaan ugubka ah,” ayay qortay Maxkamaddu.


Guddoomiyaha Baarlmaanka Shariif Xasan ayaan wali ka warbixin go'aankan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Soomaaliya. Waxaan la rajeynyaa in beri oo Arbaca ah uu baarlamaanka kulmidoono lama oga sida ay doorashada u dhicidoonto.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa bishii Sept 29keedii ee sannadkii 2007 xilka ka qaaday xeer ilaaliyhii guud ee dalka, xabsigana u taxaabay guddoomihii maxkamadda Soomaaliyeed taas oo salka ku haysay khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaarihiisii Cali Maxamed Geedi

Maxkamadda, oo ah heyádda ugu sarreysa ee xagga sharciga ah ee dalka Soomaaliya, ayaa goáankeedan wuxuu soo afjarayaa dooddii ka dhex taagneyd ansixinta Ra'iisul Wasaarahe Maxmed Cabdullahi Maxmaed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya