Talaado, 26 October, 2010 (HOL) − Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo shalay sheegay inay maanta oo Talaado ah yeelanayaan kulan ay ku ansixinayaan ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa kulankoodii baajiyay, kaddib markii ay qoraal ka heleen gudoomiyaha baarlamaanka.
Mudane Ismaaciil Abuukar oo ka mid ah xildhibannadii baajiyay kulankii maanta dhici lahaa, ayaa saxaafadda Muqdisho u sheegay inay qoraal ka helaan guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan, ayna kulankooda dib uug dhigeen berrio oo Arbaco ah.
"Tiradeennu waxay ahayd 245-mudane, waxaana doonaynay inaanu maanta kulan qabano, si aan u ansixinayno ra'iisul wasaaraha cusub, balse waxaan u baajinnay codsi nooga yimid guddoomiyaha baarlamaanka," ayuu yiri Mudane Ismaaciil.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxay shalay ku yeesheen kulan aan la ogeyn wixii kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, iyagoo kaga hadlay khilaafkooda.
Kulankaas, oo qaatay muddo saacado ah, ayaa waxaa dhexdhexaadiyeyaal ka ahaa xubno ka tirsan baarlamaanka iyo wasiirradii hore, waxaana warar hoose oo aysan HOL xaqiijin ay sheegayaan inay isaga soo dhawaadeen sidii hore.
Shariif Xasan, ayaan ka hadlin kulankaas, sidoo kalena Sheekh Shariif kama uusan hadlin, waxaana kulankooda markii uu dhammaaday kasoo baxay mxkamadda sare in codka lagu ansixiyo ra'iisul wasaaraha uu noqdo mid gacan-taag ah.
Maalinta berri ah, ayaa lagu wadaa inuu kulan dhaco, iyadoo aan la ogeyn qaabka uu codka kalsooni siinta ra'iisul wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo laba todobaad ka hor ah uu magacaabay madaxweyne Sheekh Shariif.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya