
Axad, 26 October 2010 (HOL)- Wefti uu hogaaminayo Wasiirka horumarinta iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee dalka Denmark, ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulan la qaatay masuuliyiinta Somaliland.
Weftigan oo saaka dalka soo gaadhay, isla markaana isla maanta dib uga laabtay, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland. Inkasta oo kulankaa ay saxaafaddu dibedda ka joogtay oo ay Albaabadu u xidhnaayeen, haddana sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xidhiidha dhinaca caawimooyinka.
Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu maanta Hotel Mansour Hargiesa ku qaabilay Wefti Balaadhan oo uu horkacayo Wasiirka Horu-arinta iyo Xidhidhka Caalamiga ah ee Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD.
Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyey ee Noocisa ah oo ay Dawlada Denmark iyo Dawlada Somaliland wada yeeshaan waxa uu wasiirku Somaliland soo gaadhsiyey Koolmo toos ah oo u gudoonsisey Dawlada Somaliland Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ugu jirto Qaran ku dhisan Dimuquraadiyad, cadaalad iyo Maamul wanaag.

Madaxwweynuhu waxa uu Weftiga Warbixin muqleh ka siiyey sida ay Somaliland wax u qabsatay, Dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad gelyada iyo Dawladnimada waxaanu sheegay in ay Somaliland Beesha caalamka Ka dalbanayso in la Aqoonsado oo ay ka mid noqoto Qaramada Caalamka, Isla markaana ay Buuxisay Shuruudihii oo Dhan.
Geesta kalena Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga mahad naqay Niyad Samida ay Dawlada Denmark u muujisay Somaliland iyo Booqashada ay ku yimadeen Dalka Somaliland.
Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Weftiga dareensiyey Kaalmada iyo Gacanta ay Somaliland uga baahantahay Beesha caalamka isagoo uga mahad naqayna kan ay Maanta Gudoonsisay Dawlada Denmark.
Kulankan oo Qiimo wayn ugu fadhiya Somaliland waxa ay xukuumadu weftiga u soo bandhigtay Qorsheheeda dhinacyada Dhaqaalaha, Nabad-gelyada, Cadaalada, Horu-marinta, Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Tayeynta Shirkadaha Gaarka loo leeyahay iyo Meelaha uu Qorshahani uu Gacan qabashada uga baahan yahay.
Wasiirka Xidhidhka Caalamiga ah ee Denmark ayaa isaguna Madaxweynaha iyo Xukuumada Somaliland-ba uga mahad naqay soo dhawaynta iyo warbixinta ay ka siiyeen Dalka Somaliland. Wasiirku waxa uu Somaliland ku Amaanay Hanaanka Dimiquraadiyadeed ee sida wanaagsan uga hirgalay iyo Sidii ay u Dhacday Natiijadii Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka Qabsontay taas oo uu sheegay inay Indhaha Caalamka Soo Jiidatay. Wasiirku waxa uu Somaliland ku tilmaamay Qaran u qalma in wax lala Qabto waxaanu balan qaaday in uu dhinacooda Dadaalidonaan.
Gebegabadii, kulanka waxa uu Wasiirku Magaca Dawlada Denmark Madaxweynaha Somaliland ku gudoonsiiyey Had-yad, Sidoo kale ayuu Madaxweynaha Dawlada Somalialnd-na gudoonsiyey Had-yad Wasiirka ka Socday Dawlada Denmark MR. SOREN PIMD.
Dhinaca Xukuumadda Somaliland waxa Madaxweynaha kulanka ku Wehelinaayey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Maayerka Caasimada Hargeisa.:”
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland