
Talaado, October 26, 2010(HOL): Wafdi ka socda Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ayaa socdaal labo maalmood qaatay ku tagay dalka Sudan, ayaga oo markii ugu horeysay ku yeeshay kulankii guddiga fulinta ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika ee loo yaqaano EAJA isla markaana socdaal kusoo maray qeybo ka tirsan dalka Sudan sida caasimada dalka ee Khartoum iyo magaala madaxda koofurta Sudan ee Juba.

Wafdigan oo ay xubnahiisu ka kala socdeen dalalka Uganda, Kenya, Rwanda, Burundi iyo Somalia ayaa waxaa hogaaminayay Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika Cumar Faaruuq Cusmaan oo isla markaana ah Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Wafdiga ayaa ugu horeyn waxaa si wada jir ah u qaabilay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Warfaafinta ee Sudan kuwaasoo uga warbixiyay xaalada dalka Sudan uu marayo gaar ahaan aftida la rajeynayo in ay ka dhacdo koofurta Sudan taasoo dhici karta in Sudan loo kala jaro laba dal iyo xariga sii kor dhaya ee lagu haya wariyaasha ka howl gala waqooyiga iyo koofurt dalka Sudan.
Kadib kulankii wasiirada Sudan ayaa wafdiga waxaa ay ku qaateen kulankoodii guddiga fulinta tan iyo doorashii hogaanka ururka ee ka dhacday dalka Djibouti dhawaan. Kulankan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday ururka Suxufiyiinta Adduunka iyo Ururka Suxufiyiinta Afrika.

Kulankii guddiga fulinta ee EAJA ayaa waxaa ugu dambeyn kasoo baxay go’aano ku aadan dalalka Soomaaliya, Eritrea, Uganda iyo Burundi. Hogaanka Suxufiyinta Bariga Afrika waxaa uu markale cambaareeyay dhibaatada sii socota ee lagu haya Suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaana ay mar kale xasuusiyeen kuwa ku dagaalamaya Soomaaliya in ay colaada ka joojiyaan saxaafadda, beesha caalamkana iska dhaafaan daawashada ay daawanayaan dhiiga dadka Soomaaliyeed oo ay xaalada adage e dalka waxka qabtaan.
Wafdiga ayaa shalay galabtii waxaa uu socdaal gaaban ku tagay magaalada Jubba ee Koofurta Sudan waxaana ay kulamo la qaateen dowlad goboleedka koofur Sudan ee GOSS (Government of South Sudan). Ergada ka socotay Bariga Afrika iyo kuwa caalamka waxaa ay ku booriyeen dowladda Sudan iyo midda Koofurta Sudan in ay ka joojiyaan cagjugleynta ay ku hayaan suxufiyiinta u dhashay dalka Sudan iyo kuwa Ajnabiga ah, una ogolaadaan in ay suxufiyiinta uga waramaan si xor ah oo madax-banaan waxyaabaha ka dhacaya dalka xiligan ay siyaasadda dalka Sudan ay marayso meel adag, gaar ahaan Aftida la rajeynayo in ay ka dhacdo koofurta Sudan 9ka January.
Wafdigab ayaa lagu wadaa in ay geeyaan warbixin ka hadlaysa sida ururka Suxufiyiinta Adduunka u wajahi doono dalka Sudan guddiga ugu sareeyay ee ururka Suxufiyiinta adduunka ee ka dhici doono bisha soo socota magaalada Toronto ee dalka Canada.



Hiiraan Online News Desk
Ururka Suxufiyiinta Bariga Afrika oo socdaal ku tegay Dalka Suudan si ay eegan Xaaladda Dalkaas (DAAWO SAWIRRO)
More News
- Gaadiidka oo Maanta Bilaabay in ay Isticmaalaan Buundada Kamsuuma
- Wefti uu hoggaaminayo Wasiir ka tirsan Dawladda Denmark oo Hargeysa yimi (DAAWO SAWIRRADA)
- Dagaal u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab oo ka dhacay gobolka Bakool
- Qarax lala beegsaday ciidanka AMISOM iyo shil ka dhacay duleedka Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhawac
- Dhakhaatiir ajanabi ah oo degmada Gaalkacyo ka bilaabay howlo caafimaad oo lacag la'aan ah
- Xildhibaanno ka baaqsaday maanta inay yeeshan kulan ay ku ansixin lahaayeen Ra'iisul wasaaraha cusub
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay in maydka askari ka tirsaa ciidankooda ay soo bandhigtay Al-shabaab (DAAWO SAWIRRO)
- Dad lagu dilay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo arintaas ka hadashay
- Warqad ka soo baxday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya lana xiriirta ansixinta Ra'iisul Wasaaraha Cusub