Dhakhaatiir ajanabi ah oo degmada Gaalkacyo ka bilaabay howlo caafimaad oo lacag la'aan ah

Talaado, 26, October, 2010 (HOL) -Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa waxaa ka soconaya olole kaalmo caafimaad ah kii ugu weynaa oo abid ka dhaca Puntland, kaasi oo ay fulinayaan Koox dhakhaatiir ah oo ka socota Ururka Dhakhaatiirta Rajada ee wadanka Turkiga oo maalintii sabtidii 23rd –Oct-2010 magaalada Gaalkacyo soo gaaray ,isla markaana ka mid ahaa wafdi la socday wasiirka caafimaadka Puntland.

Dhakhaatiirtan oo 18 dhakhtar ah ayaa waxay hada si toos ah uga shaqeynayaan isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo hawlaha iminka ay qabteen ay isugu jiraan daaweyn guud, Qaliimo, Ilka Saaris,Ilko buuxin, Baaritaano kala duwan, Kabniinka dadka jajaban, waxaana ay hawshu u socotaa si habsami leh, iyadoo ay ka hawlagalayaan dhakhaatiirtu qaybaha Isbitaalka ee kala ah Qaliinka, Indhaha, Ilkaha, Lafaha, cudurada Sanka iyo dhagaha.

Dhakhaatiirta ayaa waxay sheegeen in xaaladaha caafimaad ee ay ku arkeen dadkii ay ku qaabileen qaybaha kala duwan ee isbitaalka ay tahay mid naxdin leh, iyadoo ay sheegeen in dadka badankiis aan wax looga qaban Karin gudaha Soomaaliya sababtana waxay dhakhaatiirtu ku sheegeen inaysan hayn qalabkii u fududeyn lahaa in dadkan wax looga qabto,waxaana ay xuseen in dadka qaar ay u baahinyihiin baaritaan caafimaad oo xaga dibada ah.

Dadweyne ka badan 1,800 oo qof ayaa laga diiwaan galiyey magaalada Gaalkacyo waxaana loogu talagaley in dadkan ay wax u qabtaan dhakhaatiirtan, waxaana maamulka ay ka codsadeen in laga taageero xaga howlaha ay shacabka u hayaan oo qaybo fara badan isugu jira.

Dhinaca kale wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo shir ku qabtay magaalada Galkacyo ayaa digniin u jeediyay dad u sheegay in ay xoog ku haysataan dhul ay dowladu leedahay oo dhinaca caafimaadka loogu tala galay ,waxaana uu xusay in dhakhaatiirta Degmada ku sugan ay qaliino kala duwan ku sameeyaan dad ka kala yimid qaybaha kala duwan ee gobolada Somaliya si bilaash ah.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya