Dad lagu dilay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo arintaas ka hadashay

Talaado, 26, October, 2010 (HOL) - Galinkii danbe ee shalay ayaa kooxo hubeysan waxaa ay bartamaha degmada Cadaado ee goballka Galgaduud ku dileen wadado caan ka ahaa degmada, kadib markii kooxaha hubeysan ee dilka geystay rasaas ku fureen culimada iyaga oo fadhiyay goob lagu qaxweeyo.

Mas'uul ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ragga la dilay ahaayeen culimo degmada siweyn looga yaqiinay kana tirsanaa Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana uu intaa ku darray in falka dilka ah loo soo qabtay dad la tuhunsan yahay.

Waxaa uu intaa ku darrray mas'uulka u hadllay Ximan iyo Xeeb in dilka ka dhacay degmada Cadaado yahay mid daba socda weerar dhawaan ay degmada ku soo qaadeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo intaa raaciyay in wixii weerarkaa ka horeeyay degmadu aheyd mid amaan ah.

Laakiin madaxa warfaafinta Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca Shiikh C/llaahi Shiikh C/raxmaa Abuu Yuusuf oo ka hadllay dilka ka dhacay degmada Cadaado ayaa sheegay in dhinacooda ay filanayeen in dil noocaa oo kale ah oo ku dhici doono degmada Cadaado, isaga oo taa sabab uga dhigay in uu jiro sida uu hadalka u dhigay xiriir ka dhaxeeya maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.

''Horay ayaan u sheegay in dil noocaa oo kale ah kooxo hubeysan ka geysan doonaan degmada Cadaado, waana ka xunahay falka lagula kacay culimada ayuu yiri .'' Shiikh C/raxmaan Abuu Yuusuf madaxa wafaafinta Ahlu Sunna Waljameeca.

Dhinaca kale maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka jira bartamaha Soomaaliya ayaa mar kale dib u soo doortay uu madaxweyne ka noqdo maamulka Max'ed Aadan Tiiceey oo horay u ahaa madaxweynaha maamulka kaddib doorasho sida la sheegay ka dhacday degmada Cadaado, waxaana uu sheegay Max'ed Aadan Tiiceey in uu wax badan ka qaban doono amniga iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya maamulka Ximan iyo Xeeb iyo kuwa ka dhisan deegaannada ku dhaw dhaw.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya