Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxaysa dagaal ay Ahlusunna kula wareegtay degmada Cadaado

Jimco, October 15, 2010 (HOL) – Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa dagaal maanta ay Ahlusunna kula wareegtay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo ay ku dhinteen dagaalkaas sideed qof, in ka badan 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu-Yuusuf (Al-Qaaddi) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta degmada Cadaado, isagoo xusay inay ka saareen degmadaas kooxo xiriir la leh Xarrakatu Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 “Ahlusunna, ayaa la wareegtay degmada Cadaado, waxaana ka saarnay maamul xiriir la lahaa dhinacyada hubeysan,” ayuu yiri Sheekh Al-Qaaddi, isagoo xusay in ruux dhawaan isku dayay inuu qarxiyo Madaxtooyada Soomaaliya uu ahaa reer Cadaado.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay duullaan ku yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo Xisbul Islaam ay gacanta ku hayso, wuxuuna sheegay inay dadka ku nool degmadaas ku hayaan dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay weerarka ay Ahlusunna ku qabsaday degmada Cadaado, ayaa ku sheegay xadgudub, loo baahan yahay inay Ahlusunna ka laabato falkaas.

“Waxa ka dhacay deegaankaas waa khatar, waxayna keenaysaa cawaaqib xumo,” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo intaas ku daray: “Dowladdu way taageeraysaa maamul walba oo dalka ka jira.”

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in Ahlusunna ay shalay ku taageereen hub, si ay isaga difaacaan kooxaha kusoo duulay, mana aqbalayno inay maanta sameeyaan wixii lagu sameeyay oo kale.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in ciidammo taabacsan Xisbul Islaam ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabeen deegaanka Baxdo oo 80-km dhanka bari kaga beegan degmada Cadaado.

Maamulkii degmada Cadaado, laga qabsaday ayaan ka ogeyn halka ay ku dambeeyaan, balse wararka qaarkood, ayaa sheegaya inay aadeen deegaanka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay gacanta ugu jira Xisbul Islaam.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya