Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Inta la ogyahay, laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay dagaal saakay ku dhexmaray degmada Hodan ciidammada AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, kuwaasoo qayb ka ahaa dagaallo ka socday Muqdisho toddobaayadii ugu dambeeyay.
Dagaalka, oo ay barbar socdeen madaafiic culus oo ku dhacaysay xaafado ka tirsan degmada Hodan, intooda badanna ka imaanayay saldhigyada AMISOM ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo rayid ah.
"Saakay, waxaa dhacay dagaal aad u culus, iyadoo dhinacyadu ay is-dhaafsadeen hub kala duwan, ma jirto cid sheegi karta khasaaraha kala gaaray labada dhinac," ayuu yiri oday ka mid ah dadka ku harsan xaafadaha lagu dagaalamayo.
Iskahorimaadkan, ayaa bilowday markii xoogagga Xarrakatul Shabaab ay weerarro ku qaadeen saldhig ay AMISOM ka sameysteen xaafaddo ka tirsan degmada Hodan, waxaana dagaalka saakay uu daba socday dagaal shalay gallinkii dambe dhacay.
Labada dhinac, ee uu dagaalku u dhexeeyay ayaan ka hadlin, khasaaraha kasoo kala gaaray dagaalka iyo guulaha ay ka gaareen, waxaase madaafiic badan ay ku dhaceen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha oo aanay maanta shaqo badan ka jirin.
Waxaa labadii todobada ee ugu dambeeyay, ka socday Muqdisho dagaallo culus, iyadoo dhinac walba uu guulo ka sheegtay, waxaana dagaalladan ay ka dhasheen isbitaalkii milateriga Muqdisho oo ay dhawaan la wareegeen ciidanka AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya