Warbixin ku saabsan Ra'iisul wasaaraha cusub ee uu magaacabay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa gallinkii dambe ee Khamiistii shalay u magacaabay ra'iisul wasaare cusub Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo), oo muddo ka badan 20-sano ku noolaa dalka Mareykanka.

Farmaajo oo 48-jir ah, ayaa waxaa horyaalla howl badan, iyadoo Madaxweynuhu uu sheegay inuu yahay shaqsi uu u arkay inuu wax ka qaban karo xaaladda uu dalku marayo, isla markaana xusay inuu kasoo dhex-baxsaday murashaxiin fara badan oo doonayay inay xilkaan qabtaan.

"Waxaan dhab ahaan filayaa, inuu Maxamed Farmaajo yahay mas'uulkii kasoo bixi lahaa howsha adag ee hortaalla, waana dublamaasi kasoo shaqeeyay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya," ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo ka hadlayay sida uu u arko Ra'iisul wasaaraha uu magacaabay.

Maxamed Farmaajo, ayaa wuxuu badalayaa ra'iisul wasaarihii hore oo xilkaas iska casilay 21-kii bishii hore Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, kaddib khilaaf adag oo soo dhexgalay isaga iyo Sheekh Shariif, kaasoo ay xal ka gaari waayeen.

"Waxaan sugaynaa inta laga horkeenayo baarlamaanka, waayo waxaan Sheekh Shariif ka codsannay inuu soo magacaabo ra'iisul wasaare karti leh, siyaasi ah, waxna ka badali kara xaaladda dalka," ayay tiri xildhibaanad Caasho Axmed C/lla oo ka warbixisay aragtidooda ku aaddan ra'iisul wasaaraha cusub.

Inkastoo, Farmaajo uu yahay nin ka yimid dalka dibaddiisa, ayaa waxaa rajo xumo ka muujinaya inuu wax ka qabto xaaladda dalka, qaar ka mid ah shacabka Somalia. Kuwaasoo rumeysan inuusan dhaami doonin Cumar C/rashiid.

"Waxaan rajeynayaa inaan wax ka badalo xaaladda dalka, waxaana codsanayaa in la ila shaqeeyo," erayadan ayaa waxay ka mid ahaayeen hadallo kooban oo uu jeediyay Maxamed Farmaajo, kaddib markii uu Sheekh Shariif magacaabay.

"Cumar C/rashiid, wax uu dalka ka qaban waayay kama qaban karo Farmaajo, balse ma hor-dhacayno," ayay tiri Nuuro Faarax oo ka mid ah haweenka Muqdisho ku nool, taasoo sheegtay in siyaasadda Soomaaliya ay 20-sano kaddib ku socoto god mugdi ah.

Xubno lasoo shaqeeyay Maxamed Farmaajo, oo ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub uu yahay nin awood u leh inuu isbadal ka dhaliyo dalka, maadaama uu yahay shaqo yaqaan, furfuran, isla markaana iskusoo dhaweyn kara dhinacyada is-diiddan.

Siyaasiyiin kala duwan oo Soomaaliyeed, ayaa sheegay in ra'iisul wasaaraha cusub uu u baahan yahay muddo uu kula qabsado xaaladda dalka, maadaama uu ahaa nin muddo dheer dibadda ku noolaa, iyagoo sheegay in muddada u harsan dowladda aysan suurogal u noqon karin inuu wax badan qabto.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaraha cusub Maxamed C/llaahi oo u muuqda mas'uul ku kalsoon inuu isbadal abuuri karo, ayaa waxaa ansixintiisa laga sugayaa baarlamaan uu khilaaf badan hareeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya