Jimco, October 15, 2010 (HOL) – Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha buundada Kamsuuma oo mudo dhow todobaad ah burbursanayd kadib markii ay la go’day gaari nooca xamuulka sida ah oo marayay buundadaasi.
Gudoomiyaha gobollada jubooyinka Sheekh Abuukar Cali Aadan ayaa sheegay in ay diyaariyeen guud ahaanba qalabkii lagu dhisi lahaa buundadaasi, islamarkaasina ay maanta bilaabatay howlihii dhidibada
loogu aasi lahaa buundadaasi.
Sheekh Abuukar ayaa sidoo kale sheegay in iyagu maamul ahaan ay diyaariyeen dhaqaalaha ku baxayo dhismaha buundada islamarkaasina aysan jirin cid kale oo kala qeybqaadatay howlaha dib loogu dhisayo
buundada Kamsuuma oo iyadu laf dhabar u ah isu socodka gaadiidka dadka iyo ganacsiga gobolka J/hoose uu la wadaago gobollada dalka Soomaaliya.
Buundada kamsuuma ayaa mudadii ay burbursanayd waxa hakad ku yimid ganacsiga gobollada Jubooyinka, iyadoo gaadiidka ay mari jireen wadooyin barmuudo ah oo mara dhul wadooyinkiisu aad u burbursanyihiin,
waxaana dhismaha buundadaani aad u soo dhaweeyay gadiidleyda ka dhex shaqeysa gobollada jubooyinka iyo gobollada dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya