Wasiirka warfaafinta dosaday wladda Puntland oo ka badbaaday qarax miino oo lagula beegsaday degmada Boosaaso

Jimco, October 15, 2010 (HOL) -Qaraxan lala beegsaday wasiirka warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso ,waxaana uu ka dhacay xaafada ajuuke meel ku dhow laamiga magaalada.

Hal qof oo shacab ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaana soo baxaya warar sheegaya in wasiirka  dhaawac fudud uu ka soo gaaray ,inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo xaqiijin kara.

"Mar qura ayaan maqalnay qaraxan,hal ruux oo dhaawac ahna indhahayga ayaan ku arkay " ayey tiri Nuuro Maxamed oo HOL la hadashay kana mid ah dadka xaafada uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa degmada ayaa gaaray goobta,waxaana halkaa ay ka sameeyaan baaritaano kala duwan,iyadoo ay jiraan dad loo qab qabtay falkii maanta meesha ka dhacay.

Ma jiro masuul ka tirsan laamaha amniga degmada oo arintan ka hadlay,waxaana si rasmi ah loo shaaciyay in wasiirka warfaafinta uu ka badbaaday isku daygaa lala beegsaday gaarigiisa.

Ugu danbaynta qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka amni xumo ee baryahan danbe ku soo kordhay degmada,waxaana uu ku soo aadayaa,iyadoo Bosaso ay ka socdaan raafka dadka laga shakisanyahay.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya