Hay’adda Wabaahinta SOMPED oo qabatay dood ku saabsan sidii suxufiyiinta Soomaaliyeed u yeelan lahaayeen sharci gaar ah

Jimco, October 15, 2010 (HOL) – Waxaa hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho lagu soo gebagabeeyey dood  socday mudo afar maalmood ah, waxaana dooddaas soo qabanqaabiyey Somali Media for  Peace and Development (SOMPED). Iyadoo looga hadlay sidii ay saxaafadda u sameysan lahayd xeer gaar ah oo ay ku shaqeyso (Media Self Regulation) waxaana ka qaybgalay qaybaha bulshada rayidka ah, hay’adaha qaabisan xaquuqda aadanaha, sharci-yaqaanno  iyo suxufiyiin.ka socday qaybaha warbaahinta.

Intii uu tababarkan socday ayaa xubnihii ka qaybgalay waxay dood ka yeesheen  qaabka ugu haboon ee Suxufiyiinta u yeelan lahaayeen Xeer u gaar taasoo ay sheegeen in ay sahleyso in uu suxufiga xiriir wanaagsan la yeesho bulshada iyo Maamulada jira taasoo ka badbaadin karta in uu kulmo dhibaatooyin

Waxay ka qaybgalayaashu isku raaceen in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay si aad ah ugu baahan yihiin Shuruuc u gaar ah iyaga oo sheegey in haddi la sameeyo Sharcigaas uu damaanad qaadayo in la helo faafreeb Xor ah sidoo kale waxay sheegeen in  yareeyneyso feregelinta Dowladda waxay kaloo ay sheegeen xubnihii ka qaybgaley doodaas in haddi la sameeyo xeer u gaar ah Saxaafadda waxay sare u qaadeysaa Tayadda Warbaahinta Soomaaliyeed sidoo kale waxay sheegeen in haddi la sameeyo  ay caddeyn u tahay la xisaabtanka Warbaahinta waxay kaloo carabka ay ku dhufteenin dadka si sahlan u adeegsadaan Warbaahinta. 

Tababarkan ayaa waxaa Macallin ka ahaa ama xiriiriye ka ahaa Macalin Ducaale oo isna si aad ah ugu dheeraaday sidii ay saxafiyiintu isku kaashan lahaayeen isla markaana ay u midoobi lahaayeen, iyadoo intii ay  socotey doodaas  xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi loo qaybiyey kooxo kooxo si ay ugu doodan qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo Xeer u gaar ah Saxaafadda

Guddoomiyaha Ururka SOMPED Mustaf Xaaji Nuur oo ka hadlay gebagabadii doodaas ayaa waxa uu sheegay in siminaarkaasi uu yahay mid loogu talagalay in ay ka soo baxdo fikrado ku aadan qaabka ugu haboon ee ay warbaahinta u sameysan lahaayeen xeer u gaar ah   waxa kale  uu sheegay in siminaarkaani uu yeelan doono qaybo kale si ay mustaqbalka uga soo baxaan xeerkii lagu dhaqi lahaa Saxaafadda. Waxaa kale oo ka hadlay doodaas  Yuusuf Cali Cusmaan (Farey) oo ah guddoomiyaha Golaha Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, oo isna si weynu faahfaahiyey  xeerarkii hore  ay hor dhigeen maamuladii la soo dhaafay kuwaas oo uu sheegay in aan si dhab ah loogu shaqeynin. Ama aan la ansaxin ka dib markii ay ku qanci waayeen qaybaha kala duwan ee Warbaahinta

Furitaankii siminaarkaan oo uu furay Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa u ,mahadceliyey intii isku soo dubariday siminaarkaasi, waxa uuna u soo jeediyey ka qaybgalayaasha ay la yimaadaan fikrado lagu badbaadin karo suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah sameynta xeer u gaar ah Saxaafadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya