Xujeydii ugu badnayd muddo sannado ah oo sannadkan ka baxday magaalada Kismaayo

Jimco, October 15, 2010 (HOL) –  Iyadoo inta badan gobollada dalka Soomaaliya ay ka baxaan xujeyda Soomaaliyeed ee iyagu doonayo in ay soo gutaan waajibaadka xajka ayaa magaalada Kismaayo waxa ka baxday xujeydii ugu badnayd oo mudo sanado ah ka baxda gobollada jubooyinka.

Miir Yuusuf Kilaas oo ah wakiilka magaalada Kismaayo u jooga shirkada diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa sheegay in ay ay diiwaan geliyeen dad gaaraya ku dhowaad ilaa 200 oo qof oo xujey ah kuwaa oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollada jubooyinka iyo gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana uu sheegay in dadkaasi intoodii badnayd ay u qaadeen dhanka magaalada Muqdisho si ay uga dhoofaan.

Miir Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in xujeyda sanadkani ka baxeyso gobollada jubooyinka ay yihiin kuwii ugu badnaa ee mudo sanado ah ka baxa gobollada Jubooyinka, waxaana uu sheegay in xujeyda intooda badan ay ka yimaadeen gobollada J/dhexe iyo waqooyi bari Kenya.

Xujeyda sanadkani ka baxeyso gobollada jubooyinka ayaa waxa magaalada Kismaayo looga qaadayaa gawaari kuwaa oo u gudbiya magaalada Muqdisho, taasina waxaa sabab u ah madaama aysan diyaaraduhu isticmaalin garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya