Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Wararka laga helayo degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay ay kooxo hubeysan oo aan la garan ay xarun haya'deed ka afduubeen samofale u dhashay dalka British iyo nin Soomaali ah oo ay wada-shaqeynayeen.
Samofalaha u dhashay Britain oo daggan dalka Zimbabwe ayaa lagu magacaabaa Faranca Farnando, iyadoo ruuxa kale ee Soomaaliga ah eela shaqeynayay lagu magacaabo Bashiir Peace, iyadoo lagala baxay xarunta hay'adda Save the Children UK ay ku lahayd degmada Cadaado.
"Ma jirto cid garan karta, halka lala aaday," ayuu yiri Macallin Bashiir oo saxaafadda uga warramay afduubka, wuxuuna sheegay isagoo ku sugan Cadaado, in kooxaha hubeysan ay xoog ku galeen dhismaha ayna la baxeen labadan qof.
Kooxaha afduubka, geystay ayaa la sheegay inay aad u hubeysnaayeen, ayna fureen rasaas kooban intii uu socday falka lagu afduubayay labadan qof , waxaana mas'uul ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb uu ku eedeeyay Cabdi Shukir Cali Xirsi oo ah taliyaha ciidammada Ahlusunna ee Koonfurta Gaalkacyo.
"Ilaaladii labadan qof ayaa dayacnaa xiliga uu afduubku dhacayay, waxaase socda baaritaanno lagu baadi-goobayo," ayuu mar kale yiri mas'uulka u hadlay maamulka, iyadoo falkan lagu sheegay mid ku cusub degmada Cadaado.
Hay'adda ay u shaqeynayeen labadan ruux, ayaa ka shaqeynaysay daryeelka caafimaadka caruurta, iyadoo weerarka lagu qaaday uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca degmadaas ay gacanta ku hayeen maamul ay dadka deegaankku sameysteen.
Ninkan, ayaa ku biiraya shisheeye British ah oo lagu haysto Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan lamaane u dhashay dalka Britain, oo laga doonayo madaxfurasho iyo qandaraasle la shaqeynayay FAO oo sannado ku afduuban Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya