Jimco, October 15, 2010 (HOL) - Ugu yaraan lix qof oo shacab ah, ayaa ku dhintay rasaas ay ciidammo ka tirsan Xisbul Islaam ay shalay gallinkii dambe ku fureen dadweyne ku sugnaa goob lagu fulinayay xukun tacsiir ah oo ku taalla degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Goobjoogayaal, ayaa sheegay in rasaastu ay bilaabatay markii dadka deegaanku ay ka gadoodeen wiil dhallinyaro ah oo ay ciidammada Xisbul Islaam ku fulinayeen xukun tacsiir.
"Dadka dhintay waxaa ku jirtay haweeney uur leh oo ay isla dhinteen cunuggii ay uurka ku sidday, waxaana isla xalay dadkii dhintay lagu aasay degmada" ayuu yiri mid ka mid cuqaasha Xarardheere oo saxaafadda la hadlay, codsadayna inaan la sheegin magaciisa.
Sidoo kale, goobjoogahan wuxuu sheegay inay ku dhaawacmeen rasaasta 18-qof oo kale oo qaarkood ay xalaadoodu halis tahay, ayna jiraan dad kale oo ku gubtay dab ay ku dhaceen markii ay goobta ka carareen.
Dhaawacyada ayaa la dhigay Isbitaalka degmadaas, iyadoo xalay ay degmadu ahayd bandow, balse saraakiil ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa beeniyay inay jirto rasaas ay ciidankoodu fureen oo dad shacab ah ay ku dhinteen.
Shaqaaqadan, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ka dhacda degmada Cadaado, tan iyo markii Ururka Xisbul Islaam ay si nabad ula wareegeen degmadaas, bartamihii sannadkan, waxaana saakay kacsan xiisadda.
Wararka laga helayo degmada, ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyada qaarkood ay ku dhinteen Isbitaalka, balse aanay jirin dad halkaas tegi kara oo ay xiisad ka taagan tahay degmada, waxaana xaafadaha Xarardheere qaarkood maraya dad aad u yar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya