Maamulka UniversalTV oo sheegay in xafiiski Muqdisho uu furanyahay.

Isniin, May 30 (HOL) - Maamulaha guud ee Telefashinka Universal ayaa sheegay inuu shaqeeynayo Xafiiski Telefashinka ee Magaalada Muqdisho isla markaana aysan jirrin wax shaqo joojin ah oo habayaraatee ay sameeyeen howl wadeenadi xafiiska .

Maamulaha UniversalTV   oo la soo xirriiray (HOL)ayaa sheegay in uusan la soconin warka sheegaya shaqa joojinta shaqaalaha TV-ga isla markaana uusan warkaasi ahayn mid uu ka warqabo maamulka Telefashinka.

Enj Axmed oo ay (HOL) weydiisay waxa ay la tahay sababta ay shaqaalihu u soo saareen warsaxaafadeedka shaqa joojinta ah ayaa waxa uu ku jawaabay”waxay ahayd arrin uu ku fududaaday maamulaha Xafiiska Muqdisho marki aan lahadlayna waxaan isku afgaranay in warkaasi  laga noqdo shaqadina hadda sidi aan ugu tallo galnay ayay usocotaa.

Enj Axmed ayaa inta ku daray in arrinta dhacday ay tahay war aan siideynay oo ku saabsanaa Kartoon lagu daabacay wargeyska ka soo baxa dalka koonfur Afrika kaasi oo nabiga (CSW) lagu aflagaadeynayay waxaana ka UniversalTV ahaan aan ka qeyb qaadaneynay dareenka muslimiinta  iyo ka hortaga ficilkaas qaldan laakin nasiib darro dad ayaa si qaldan ufasirtay.

Warrarka aanu ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa intaa kudaraya in xarakada Mujaahidiinta Shabab ay sheegeen in ay baarayaan warka ku saabsan kartoon-ka ee laga siidaayay UniversalTV marki ay soo gabagabeeyaana ay war ka soo saaridoonaan.

Maamulaha guud ee UniversalTV ayaa isaga oo ka hadlaya arrintaasina waxaa uu (HOL) usheegay in Al-shabab iyo urruradda kale ee diineed ay ogaan doonaan xaqiiqda arrintan wax dhibaato ahna aysan u keenin doonin xirrirka udhaxeeya guud ahaan muslimiinta iyo UniversalTV.

UniversalTV ayaa ah Telefashin-ka ugu weyn ee Af-soomaali ku hadla waxaana uu hadda ku talaabsaday qorshayaal cusub oo Telefashinka looga hirgelinayo dhamaan dhulka soomaalidu dagto oo ay ugu dambeysay waqooyiga Amerika oo xafiis cusub uu Telefashinka ka furay.