Axad, May 30, 2010 (HOL) − Ciidamada Badda dalka Yemen ayaa xoog ku furtay doon nooca kaluumeysiga ah oo ay kooxo burcadbadeed Soomaaliyeed ah ka afduubeen meel ku dhow Jasiiradda Socotra dhowr maalmood ka hor, iyagoo qabqabtay kooxihii afduubka geystay.
Burcadbadeedda la qabtay oo tiradoodu ahayd 13-ruux ayaa waxay suurogashay in la qabto kadib markii ciidamad dalka Yemen oo kaashanaya kuwa Midowga Yurub ee ku sugan Biyaha Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Doonidan oo lagu haystay meel ku dhow Jasiiradda Socotra.
Doonida oo ay la socdeen 9-qof oo shaqaale ah una dhashay dalka Yemen ayaa la sheegay in iyagoo badqaba la furtay, sidoo kalena dagaalkii dhexmaray ciidamada Yemen iyo kooxaha burcadda ah uusan wax khasaare ah ka dhalan.
Taliyaha Ciidamada Badda dalka Yemen Cabdalla Mujuwar oo la hadlay saxaafadda dalkiisa ayaa sheegay inay kooxaha burcaddeedda ah ku qabteen hubkii ay wateen oo isugu jiray qoryaha darandoorriga u dhaca iyo Baasuukayaal.
Xuseen Xaaji Axmed oo ah Qunsulka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Cadan ayaa sheegay in warkaas uu soo gaaray, balse aanay ogeyn hadda xabsiga lagu xiray kooxaha burcadbadeedda ah, isagoo xusay in Yemen ay dhawaan xukunno ku riday Burcadbadeed Soomaali ah.
Doonidan ayaa la afduubay iyadoo kusii jeeda Dekedda Mukallah, waxayna ciidamada badda dalka Yeme sheegeen in kooxaha afduubkeeda geystay ay doonayeen inay ku qafaashaan Maraakiibta waaweyn ee ku safraya Biyaha Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Badda Dalka Yemen oo xoog ku furtay Doon kalluumeysi, gacantana ku dhigay burcadbadeeddii afduubka geystay
More News
- Soomaaliya oo mar kale loo doortey Hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Adduunka ee IFJ
- Maamulka UniversalTV oo sheegay in xafiiski Muqdisho uu furanyahay.
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Maamulka Telefishinka Unversal Xafiiskiisa Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed sheegay inay joojiyeen howlihii Telefishinka illaa amar dambe
- Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah Hay'adaha gargaarka
- Boqolaal ciidamada Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo tababar maanta loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta sheegtay inay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal
- Maamulka Degmada Buuhoodle oo ku Baaqay in Sharuud la,aan Lagu Sii Daayo Gaadiid ay Ciidamo Itoobiyaan halkaa ka kaxaysteen
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa Muqdisho oo dib dhac uu ku yimid iyo Mas'uul ka hadlay dib u dhaca
- Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay iska difaaci doonaan weerarka kasta oo kaga yimaada Ahlu Sunna Waljameeca.