Axad, May 30, 2010 (HOL) − Maamulka degmada Buuhoodle ayaa Cabasho xoogan ka Muujiyay Gaadiid nooca xamuulka Qaada ah oo ay Ciidamo itoobiyaan halkaa ka kaxaystaan Maalmo ka hor.
Waxaa la sheegay in Degmada Buuhoodle ay ka Socdaan Qaban Qaabada Mudaharaadyo arimahaasi looga soo horjeedo,Waxaana Baabuurtaasi iskala lahaa Ganacsato Soomaaliyeed.
Duqa degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn Xuseen Dacwi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Gaadiidkaasi ay iska lahaayeen Dadka deegaanka Buuhoodle.
Xuseen Dacwi Ducaale Duqa degmada Buuhoodle ayaa Cadeeyay in baabuurtaasi oo gaaraya 17 ay Gacanta ku hayaan Ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugan Xaduudka kala qaybiya somaliya iyo Itoobiyaa.
Xiisada arinta ka dhalatay ayaa la sheegay in aad u sii kacday ,iyadoo wali uu jiro khilaaf ka dhashay Fariisin ay Ciidamada itoobiyaanka ah halkaa ka samaysteen.
Ugu danbaynti Maamulka degmada Buuhoodle ayaa ku baaqay in si shuruud la,aan ah lagu soo siidaayo gaadiidkaasi ,Waxaana jira Dadaalo ay wadaan Xubno ka mid ah Maamulka Puntland oo arintaa la xiriirta.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somaliya
Maamulka Degmada Buuhoodle oo ku Baaqay in Sharuud la,aan Lagu Sii Daayo Gaadiid ay Ciidamo Itoobiyaan halkaa ka kaxaysteen
More News
- Soomaaliya oo mar kale loo doortey Hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Adduunka ee IFJ
- Maamulka UniversalTV oo sheegay in xafiiski Muqdisho uu furanyahay.
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Maamulka Telefishinka Unversal Xafiiskiisa Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed sheegay inay joojiyeen howlihii Telefishinka illaa amar dambe
- Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah Hay'adaha gargaarka
- Boqolaal ciidamada Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo tababar maanta loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta sheegtay inay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Ciidamada Badda Dalka Yemen oo xoog ku furtay Doon kalluumeysi, gacantana ku dhigay burcadbadeeddii afduubka geystay
- Fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa Muqdisho oo dib dhac uu ku yimid iyo Mas'uul ka hadlay dib u dhaca
- Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay iska difaaci doonaan weerarka kasta oo kaga yimaada Ahlu Sunna Waljameeca.