Boqolaal ciidamada Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo tababar maanta loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho

Axad, May 30, 2010 (HOL) − Boqolaal ciidamo Booliis ah oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maanta tababar socday 9-bilood loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho, waxaana xafladda xiritaanka tababarka oo ka dhacay dugsiga sare ee Booliiska ka qaybgalay Wasiirro ka tirsan Dowladda.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 380-askari, waxaana 54 ka mid ah ay ahaayeen haween, iyadoo lagu hordhaariyay wasiirradii xafladda kasoo qaybgalay.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in ciidamadan ay tababar 6-bilood ah kusoo qaateen Carmo, sidoo kalena ay Muqdisho ku qaatay 3-bilood oo tababar ah.

"Ciidamadan waxay dhameystirteen tababarrada ciidanka Booliiska, waxayna maanta kaddib ka howlgalayaan Muqdisho, waxaana farxad weyn inoo ah in ciidamada Booliiska ay xiran doonaan dhar cusub oo kala ah; Surweel Madow iyo Shaati Buluug ah" ayuu yiri Gen. Cali Madoobe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo isaguna ka halya goobta ayaa sheegay in ciidamada Booliiska ay saaran tahay mas'uuliyad weyn lagana doonayo inay kasoo baxaan.

"Ciidanka Booliiska waa lafdhabarka Qarannimada, waxaana laga doonayaa inay u adeegaan shacabka iyagoo ilaalinaya sharciga, waxaana u rajeynaynaa inay gutaan mas'uuliyadda saaran, ayna u dhaqmaan sidii lagu yaqaannay ciidanka Booliiska" ayuu yiri Sheekh C/qaadir oo sheegay in ciidanka laga sheegto balse ay haatan sidii hore dhaamaan.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Dowladda Soomaaliya Sheekh Nuur Cali Aadan oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa ku booriyay ciidanka inay ilaaliyaan sharciyada, sidoo kalena aysan noqon ciidamo iibsada hubka loogu talogalay inay ku shaqeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya