Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah Hay'adaha gargaarka

Axad, May 30, 2010 (HOL) − Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay maanta oo Axad ah inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah hay'adaha gargaarka ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Madaxa Samofalka Maamulka Gobolka Banaadir Fartuun Nuur Maxamed oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan halka ay maraan gargaarrada ay bixiyaan hay'adaha samofalka qaarkood.

"Hay'adda ICRC oo ka mid ah hay'adaha sida weyn u taageera dadka ku barakaca Muqdisho ma jirto wax gargaar ah oo ay bixiso hadda, waxaan wadnaa sidii aan ku ogaan lahayn gargaarkii ay bixin jirtay sababta hakadka ku keentay" ayay tiri Farxiyo.

Sakaaladdan waxay sidoo kale ka hadashay nolosha dadka ku barakacsan Muqdisho oo uga soo barakacay degmooyinka kale ee ay dagaalladu ka socdaan ayaa sheegtay inaysan haysan meel ay kaga gabadaan roobabka xilliga Xagaaga.

"Dadku ma haystaan gargaar raashin iyo baco ay ka galaan roobabka maadaama ay dagaallo awgood uga soo barakaceen gurayhooda, waxaase aan hay'adaha ka shaqeeya gargaarka uga codsanaynay inay gargaar lasoo gaaraan" ayay tiri Madaxa Samofalka Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya.

Hadalka Sarkaaladdan ayaa imaanaya iyadoo Hay'adda Qoxootiga Adduunka ee UNCHR warbixin ay soo saartay shalay ku sheegtay in 17,000-qof ay bishan oo keliya uga barakaceen guryahooda dagaallo u dhexeeya Dowladda, AMISOM iyo xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya