Axad, May 30, 2010 (HOL) − Maamulka Taleefishinka Universal xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka soo saaray war-saxaafadeed ku aadan war ka baxay 29/05/10 Taleefishinka Univesal ahaana war uu soo diray wariye uga soo warrama Dalka Koonfur Afrika warkaana laga dhex arkay kartoon ay wargeysyada dalka Koonfur Afrika soo daabaceen kaasoo ahaa mid aflagaado ku ah Nabi Maxamed (NNKH).
Guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha Taleefishinka Universal Xafiiskiisa Muqdisho wuxuu ka xun yahay warkaas sida qaldan u baxay waxaana aan u sheegaynaa dhammaan Muslimiinta caalamka ku nool inaanan raalli ka ahayn warbixintaas qaldanayd.
Haddaba Maanta oo ah 30/05/10 guud ahaan qeybaha kala duwan ee Universal tv Muqdisho waxa ay go'aan ku gaareen shaqo joojin illaa amar dambe.
Maamulka iyo shaqaalaha taleefishinka waxa uu mar labaad ku cadeyneynaa warsaxaafadeedkan inuusan raalli ka ahayn wixii wax u dhimaya diinta Islaamka.
Wabillaahi Towfiiq
Maamulka Sare ee Universal Tv Muqdisho,
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya