Axad, 30, May, 2010 (HOL) Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne oo maalmihii ugu danbeeyay ku howlanaa kulamo iyo shirar looga arinsanayo sidii laga yeelli lahaa Buundada
Liqliqato ee dhawaan bur burtay iyo dadkii dhawaan ka barakacay Xaafadaha Magaalada Beledweyne ee Daadku ku soo jabsadeen, ayaa dhinaca kale waxaa ay markii ugu horeysay ka hadlleen Abaabul dagaal
oo ka dhan ah Maamulkood kaasoo ka socda qeybo ka mid ah Goballka Galgaduud.
Af-hayeenka Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne Max'ed Weheliye Odawaa oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ay ka war hayaan wararka ku saabsan Abaabulka dagaal oo ay wadaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin ishana ku hayaa weerar kasta oo dhinacaa uga yimaada.
''Runtii dadka doonaya in ay soo weeraraan Magaalada xili dadku dhibaateysan yahay intooda badana dibada yaalaan waxaan u aragnaa in ay danbiilayaan yihiin, sidaa daraadeed Xisbul Islaam oo kaashanaya Shacab-ka waxaa diyaar u yihiin in ay ka hor tagaan weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Ahlu Sunna Waljameeca ayuu sheegay Max'ed Weheliye.
Hadalka Af-hayeenka Ururka Xisbul Islaam ayaa ku soo beegmaya xili saacadihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in uu jirro Abaabul Xoog leh oo ka socda deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud, islamarkaana la diyaariyay sida wararku sheegayaan Ciidamo weerar ku soo ah Goballka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.
Dhinaca kale Maamulka Ururka Xisbul Islaam ayaa markii ugu horeysan ugu baaqay Hay'addaha Samafalka in ay gacan ka siiyaan sidii loo dhisi lahaa Buundada Liqliqto ee Magaalada Beledweyne taasoo dhawaan bur
burtay sida uu ka dhawaajiyay Max'ed Weheliya Odawaa.
Waxaa uu sheegay in Hay'adduhu yihiin kuwa kaliya ee maanta gacanta ka geysan kara dib u dhiska Buundada isaga oo intaa raaciyay in Maamulku gacan ku siin doono Hay'addaha dhimaha Buundada Liqliqato, waxaana uu Max'ed Weheliye gaashaanka ku dhuftay in Maamulku joojiyay shaqadii
Hay'addaha Samafalka Goballka.
Sidoo kale Maamulku waxaa uu ku baaqay in gar gaar deg deg ah lala gaaro Qoysaska barakacayaasha ah ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne kuwaa oo dhawaan guryihii ay ku noolaayeen ay ka saareen Daadad xoog leh oo ka dhashay Roobab lixaad leh oo ka da'ay Magaalada iyo Biyaha Wabigga Shabeelle oo is biirsaday.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]