Axad, May 30, 2010 (HOL) − Kulan lagu waday in lagu doorto guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maanta Xildhibaannada Soomaaliya ku yeelan lahaayeen Magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay.
Mas'uul ka tirsan guddiga doorashada ayaa u sheegay warbaahinta in dib u dhaca kulanka uu ku yimid iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hayo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, maadaama uu Madaxweynuhu dhoofay.
"Guddiga Doorashada iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulan yeelanaya maanta waxayna kaga hadli doonaan xilliga ay qabsoomayso doorashada guddoomiye ku xigeennada baarlamaanka" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Aadan Waayeel oo ah Afhayeenka guddiga doorashada.
Waayeel wuxuu sheegay inuu jiro go'aan lagu gaaray in doorashada la hakiyo 5-maalmood oo ay horay u dalbatay Maxkamadda sare, si xal looga gaaro dacwad uu gudbiyay Prof. Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad Baarlamaanka oo aan xilkiisa horay isaga casilin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka sheegay fadhigii lagu doortay Jimcihii in Maanta oo Axad ah ay Xildhibaannadu kulan ku yeelan doonaan Muqdisho, inkastoo xilligaas uusan sheegin in lagu dooranayo guddoomiye ku xigeennada iyo in kale.
Fadhigan baaqday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo baaqda iyadoo guddoomiye cusub loo doortay Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo helay codadka inta badan mudanayaashii codeynayay maalintii doorashada ee Jimcaha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa Muqdisho oo dib dhac uu ku yimid iyo Mas'uul ka hadlay dib u dhaca
More News
- Soomaaliya oo mar kale loo doortey Hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Adduunka ee IFJ
- Maamulka UniversalTV oo sheegay in xafiiski Muqdisho uu furanyahay.
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Maamulka Telefishinka Unversal Xafiiskiisa Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed sheegay inay joojiyeen howlihii Telefishinka illaa amar dambe
- Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah Hay'adaha gargaarka
- Boqolaal ciidamada Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo tababar maanta loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta sheegtay inay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal
- Maamulka Degmada Buuhoodle oo ku Baaqay in Sharuud la,aan Lagu Sii Daayo Gaadiid ay Ciidamo Itoobiyaan halkaa ka kaxaysteen
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Ciidamada Badda Dalka Yemen oo xoog ku furtay Doon kalluumeysi, gacantana ku dhigay burcadbadeeddii afduubka geystay
- Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay iska difaaci doonaan weerarka kasta oo kaga yimaada Ahlu Sunna Waljameeca.