Axad, May 30, 2010 (HOL) − Kadib markii mudo ka badan 16 sano ah ay burbursanayd buundo ku taal tuulada Mogaanboo oo qiyastii 70km dhanka waqooyi kaga began magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada ayaa markii ugu horeysay waxaa maanta dhismo balaaran ka bilaabay ganacsatada kala duwan ee magaalada kismaayo iyo weliba maamulka islaamiga ah ee gobollada jubooyinka.
Buundadaasi oo laf dhabar u ahayd isu socodka ganacsiga, dadka iyo gaadiidka islamarkaasina ay si dhib leh ku gudbi jireen gaadiidka isaga kala goosha gobollada jubooyinka ayaa waxa uu bur bur xoog leh ku yimid kadib markii webiga jubba uu fatahaad balaaran u geystay buundada iyo deegano hoosyimaada taasina waxay hakad gelisay gadiidkii isticmaali jiray buundadaasi, taasoo kaliftay in gadiidku ay maraan wadooyin wareeg ah oo qiyaastii 15 km soo mareyso dhul dhiiri ah.
Gudoomiyaha gudiga qabanqaabada dhismaha buundadaasi oo lagu magacaabo Sheekh Cumar oo u waramayay HOL ayaa sheegay in dhismaha buundada ay iska kaashadeen shirkadaha Xawaaladaha, Kuwa isgaarsiinta, ganacsatada waxkala soo degta dakadda caalamiga ah ee magaalada kismaayo iyo weliba maamulka degmada kismaayo oo uu sheegay in uu gacan weyn ka geystay dhaqaalaha lagu dayactirayo buundadaasi.
Sheekh Cumar ayaa intaasi ku daray in dhismaha buundadaasi ay ku kaceyso lacag dhan qiyaastii $42000 (Afartan iyo Laba kun oo doolar) isagoona sheegay in ay rajeynayaa in ay ku guuleystaan dhismaha buundadaasi oo iyadu in mudo ah ay cabasho ka muujinayeen gadiidleyda isticmaasha wadadaasi.
Inkastoo aan la sheegin waqtiga ay qaadan doonto dhismaha buundada mogaanbo ee dhanka waqooyiga kaga beegan magaalada kismaayo ayaa hadii lagu guuleysto dhismaheeda waxa si weyn usoo dhaweyn doona wadeyaasha gadiidka ganacsiga iyo kuwa dadweeynaha oo iyagu ay ku adkeyd isticmaalka buundadaasi oo iyadu ah tog ay inta badan ku gadoomi jireen gadiidka xamuulka ah.
--
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
More News
- Soomaaliya oo mar kale loo doortey Hoggaanka sare ee Ururka Saxafiyiinta Adduunka ee IFJ
- Maamulka UniversalTV oo sheegay in xafiiski Muqdisho uu furanyahay.
- Ganacsatada iyo Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo iska kaashanaya Dhismaha Buundo ku taal Tuulada Mogaanboo ee gobolka J/hoose.
- Maamulka Telefishinka Unversal Xafiiskiisa Muqdisho oo soo saaray War-saxaafadeed sheegay inay joojiyeen howlihii Telefishinka illaa amar dambe
- Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya oo sheegay inay baaritaanno ku hayaan qaar ka mid ah Hay'adaha gargaarka
- Boqolaal ciidamada Booliiska Soomaaliya ka tirsan oo tababar maanta loogu soo gabgabeeyay Magaalada Muqdisho
- Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo maanta sheegtay inay joojisay xiriirkii kala dhexeeyay Telefishinka Af Soomaaliga ku hadla ee Universal
- Maamulka Degmada Buuhoodle oo ku Baaqay in Sharuud la,aan Lagu Sii Daayo Gaadiid ay Ciidamo Itoobiyaan halkaa ka kaxaysteen
- Ciidamada Badda Dalka Yemen oo xoog ku furtay Doon kalluumeysi, gacantana ku dhigay burcadbadeeddii afduubka geystay
- Fadhi uu Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa Muqdisho oo dib dhac uu ku yimid iyo Mas'uul ka hadlay dib u dhaca
- Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay iska difaaci doonaan weerarka kasta oo kaga yimaada Ahlu Sunna Waljameeca.