London 21/05/2010. Waxaa xaafada Wembley oo ku taal Galbeedka magaalada London lagu qabtey koob kubadda cagta ah oo loogu magacdarey Koobka xuska SYL oo ku beegnayd 15 May, koobkaas waxaa ka soo qayb galay kooxaha kale ah Kooxda Wembley iyo Kooxda South Hall, kuwasoo ay ku baratamayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee magaalada London degan islamarkaana jecel isboortiga iyo isku imaantinka Soomaalida.
Koobkaas waxaa kale oo goob joog ka ahaa qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya hadii ay ahaan lahayd kubadda cagta iyo Kubadda kolayga iyo dad kale oo xiiseeya cayaaraha guud ahaan.
Ciyaarta ayaa waxaa ku guulaystey kooxda Wembley halka kooxda SouthHall ka socoteyna ay gashay kaalinta 2aad, kadibna waxaa xaflad iyo qado sharaf loogu sameeyay dadkii ka soo qayb galay xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed ee qurbaha degay ayaa jecel inay qabtaan sanad walbo munaasabado badan oo taariikhda dalka Soomaaliya qiimo weyn ugu fadhiyo sida koobkaan oo kale oo lagu xasuusanayay halgamayaashii gobanimadoonka dalka Soomaaliya.
Dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan ayaa u adeegsan kara Isboortiga mid ay kaga gudbi karaan khilaafka dalka Soomaaliya ka jira hadii si dhab ah loo wajaho qabashada koobabkaan oo kale, islamarkaana dib loo abaabulo jiilka soo socda
W/D:Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA
[email protected]