Axad, May 23, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 20-qof ayaa ku dhintay in ka badan 50-qofna way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka scoday Magaalada Muqdisho.
Dagaalladan oo u dhexeeyay ciidamada Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ayaa waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay Xarrakatul Shabaab, waxayna ka dhaceen degmooyinka Shibbis iyo Boondheere oo dhinaca Waqooyi ee Muqdisho ku yaalla iyo degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley oo ku yaalla Koonfurta Muqdisho.
Madfac ku dhacay degmada Boondheere ayaa sababay dhimashada 5-qof oo isugu jiray dad waaweyn iyo caruur hal qoys kasoo jeeda, iyadoo ciidamada AMISOM ay qayb ka ahaayeen dagaalkaas sida uu sheegay Afhayeenkooda Maj. Behuko Barigye.
Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay kusoo dhawaadeen saldhigyo ay ku leeyihiin waqooyiga Muqdisho, taasna ay keentay inay dagaalka ka qaybgalaan.
"Dagaalladii xalay ka dhacay waqooyiga Muqdisho waxaa ku dhintay 10-qof dad ka badan, waxaana ku dhaawacmay 20-qof oo kale, dhamaantood waxay ahaayeen shacab, saakay waxaa la maqlayaa madaafiic culus" ayuu yiri Axmed Nuur oo ka mid ah dhallinyarada weli ku harsan degmada Boondheere.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay inay dagaalladii xalay ay ku gubeen taangi ay leeyihiin ciidamada AMISOM, waxaase beeniyay hadalkaas Afhayeenka AMISOM.
Qoysas badan ayaa saakay bilaabay inay ka barakacan degmooyinkii xalay lagu dagaalamay, iyadoo dagaallo kale oo kuwaas daba socday ay saakay ka dhaceen degmooyinka Koonfurtra Muqdisho ku yaalla.
Mas'uuliyadda weerarradii saakay ayaa waxaa sheegaty Xarrakatul-Shabaab iyadoo mas'uuliyiin u hadlay ay sheegeen in goobaha ay weerareen ay qayb ka ahayd Madxtooyada Soomaaliya, ayna guulo dagaalkaas ka gaareen.
Dagaaladii saakay ayaa waxaa ku dhintay 10-qof iyadoo ay ku dhaawacmeen 30-qof oo kale, waxaana dagaalladan ay qayb ka ahaayeen dagaalladii Muqdisho ka socday saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay.
Suuqa Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Muqdisho ayaa waxaa saakay ku dhacay madaafiic badan, inkastoo xilligaas aan la furin ganacsiga, iyadoo uu xirmay jidka isku xira Isgoysyada Bakaaraha iyo Dabka.