Dagaallo beeleedyo khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaannada ka tisran Gobolka Bay

Axad, May 23, 2010 (HOL) − Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bay oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Wararka ayaa sheegaya in dagaaladaas oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Iidaale iyo Qardho oo ka tirsan Baydhabo ay ahaayeen kuwo xooggan ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 15-qof.

Beelaha uu dagaalku u dhexeeyo ayaa waxay isku haystaan dhul daaqsin ah iyo ceelal biyoodyo, waxaana dagaalkii ugu xooggan badnaa uu dhacay shalay gallinkii dambe kaasoo ay ku dhinteen 5-qof, ayna ku dhaawacmeen 10-qof oo kale.

Waxgarad iyo cuqaal kasoo jeeda beelaha ay dagaalladu u dhexeeyaan ayaa ku baxay labadan beelood, iyagoo sheegay inay isku dayayaan inay qaboojiyaan dagaalka iyadoo labada beelood ay isku hor-fadhiyaan deegannadii ay ku dagaalameen.

Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaan ka hadlin dagaalka waxaase la sheegay inay maanta u direen ciidamo deegaannada ay ka dhaceen dagaalladan.

Beelahan oo walaalo ah ayaa horay waxaa u dhexmaray dagaallo noocan oo kale ah kuwaasoo ay ka gaareen heshiisyo, inkastoo ay colaaduhu dhowr jeer oo kale soo laalaabteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya